Hogaamiyeyaal horleh kana tirsan Taliban oo gaarey Kabul

Image
Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli kooxda ay qorsheyneyso in ay ku dhawaaqdo "dowlad loo dhan-yahay".

KABUL, Afghanistan - Hoggaamiyeyaal sare horleh kana tirsan Daalibaan ayaa gaaray Kabul iyagoo ka yimid caasimadda Qadar ee Doha, sida ay maanta ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddanka Afghanistan.

Saraakiishan ayaa magaala madaxda u tagay si ay ay kaga qeybgalayaan kooxda wada-xaajoodka ee la kulmay saraakiisha Mareykanka iyo qorshaha lagu soo dhisayo dowlad loo dhan-yahay.

Siyaasiga caanka ah ee reer Afghanistan Abdullah Abdullah ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawir muujinaya isaga oo salaamaya safiirkii hore ee Daalibaan u fadhiyey Sucuudiga, Shahabuddin Delawar.

Sidoo kale, saraakiishaas waxaa qeyb ka ah wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee Taliban Mullah Khairullah Khairkhwa, Abdul Salam Xanafi iyo kuwo kale oo jagooyin aan la ogeyn haya.

Sawirro kale ayaa muujinayay raggan oo wada-hadallo la leh Xamiid Karzai, oo ahaa madaxweynaha Afghanistan intii u dhexeysay 2001 -kii ilaa 2014-kii oo ku sugnaa Kabul markii ay Taliban qabsadeen.

Qoraalka Facebook ayaa lagu sheegay "in kulanka looga hadlay xaaladda hadda uu dalku ku sugan yahay, amniga dadka, hannaanka siyaasadeed ee loo dhan yahay, ixtiraamka qiyamka qaranka, oo calanku ku jiro".

Taalibaan ayaa shaaca ka dhigtey inay doonayaan inay dhisaan dowlad loo dhan yahay, hase ahaatee dad badan oo goobjoogayaal ah ayaa weli shaki ka qaba in balanaqaadkaas ay fulin doonto falaagadda hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM