Hogaamiyihii isbedelka ku sameeyay Imaaraadka Carabta oo geeriyooday

Image

ABU DHABI — Madaxweynihii dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa geeriyooday, sida ay goordhow shaacisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalkaas ee WAM.

Sheekh Khalifa, oo ahaa 73 jir ayaa muddo sanado ah la xarbinayey xanuuno.

“Wasaaradda Arrimaha Madaxtooyada waxay shacabka Imaaraadka Carabta iyo Dunida Islaamka uga tacsiyeyneysaa geeriday Sheikh Khalifa bin Zayed Al-Nahyan oo geeriyooday Jimce 13-ka May,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wakaaladda WAM.

Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa sidoo kale ahaa amiirka Imaaraadda Abu Dhabi oo ka mid ah toddabada Imaaradood ee dalkaas uu ka kooban yahay.

Sida uu dhigayo dastuurka, madaxweyne ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum oo xukuma Imaaradda Dubai ayaa sii hayn doona xilka madaxweynaha illaa inta ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku kulmayaan golaha faderaalka oo ka kooban madaxda toddobada Imaaradood, si ay u doortaan madaxweyne cusub.

Khalifa waxa uu dhashay 1948-kii, wuxuuna xukunka Imaaradda Abu Dhabi iyo tan madaxweynaha dalka qabtay 2004. Waxaa xukunka Abu Dhabi kala wareegi doono ku-xigeenkiisa, ahna walaalkiisa ay isku aabaha yihiin Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan.

Mohammed bin Zayed ayaa ahaa hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta tan iyo markii Khalifa uu ku dhacay cudurka faaliga ama stroke 2014.

AFP + REUTERS

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM