Hogaamiyihii la inqilaabay ee Myanmar oo xabsi lagu xukumay

Image
Milatariga taladda la wareegay ayaa xabsi dhigay haweenayda 77-sano jirka ah markii ay talada qabsadeen.

YANGON, Myanmar - Maxkamad ku taal dalka Myanmar ayaa ku xukuntay hogaamiyihii xilka laga tuuray Aung San Suu Kyi saddex sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay musuq maasuq doorasho intii lagu guda jiray doorashooyinkii 2020-kii ee xisbigeeda uu si aqlabiyad ah ugu guuleystay, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Jimcihii.

Suu Kyi "waxaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah iyada oo ay ku jirto shaqo adag," ayay sheegeen mid kamid ah Ilaha, isaga oo intaa ku daray in haweenayda  77-sano jirka ah ay u muuqatay mid caafimaad qabta.

Kyi oo xabsiga la dhigay sannadkii hore ayaa waxaa horay loogu helay dambiyo musuq-maasuq iyo inay ku lug lahayd eedeymo kale oo ay kusoo oogtay maxkamad milatari.

Milatarigu waxay ku eedeeyeen musuqmaasuq baahsan oo ku sameysay codbixiyeyaasha intii lagu jiray doorashadii November 2020, oo ay si cad ugu guulaysteen xisbiga Su Kyi ee National League for Democracy (NLD), inkasta oo goobjoogayaasha caalamiga ahi ay sheegeen in codbixintu u badnayd xor iyo xalaal.

Milateriga ayaa tan iyo markaas laalay natiijada doorashada reer galbeedka soo dhaweeyay waxayna sheegeen inay heleen in ka badan 11 milyan oo kiis oo codbixiyeyaal ah.

Khudbad uu jeediyay bishii hore, hogaamiyaha milatariga xukunka la wareegay Min Aung Hlaing kuma uusan xusin taariikhda la qabanayo codbixinta cusub, balse wuxuu sheegay in la qaban karo oo keliya marka waddanku noqdo "mid nabdoon oo xasilloon."

In ka badan 2,200 oo qof ayaa lagu dilay in ka badan 15,000 oo qofna waa lagu xiray hawlgallada militariga ee ka dhanka ah mucaaradka tan iyo markii ay la wareegeen awoodda, sida ay sheegtay kooxda la socodka maxalliga ah. Mareykanka iyo dalal kale ayaa si xooggan waxay u cambaareeyeen xukunka lagu riday Suu Kyi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM