Hogaanka ICJ oo la bedelay kahor dhageysiga kiiska Soomaaliya iyo Kenya

Image

NEW YORK, USA - Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa Isniintii u dooratay Joan E Donoghue oo ah sharci yaqaan Mareykan ah in ay noqoto madaxweynaha cusub ee waaxda garsoorka ee Qaramada Midoobay, taasoo soo afjaraysa mudaddo xileedkii garsooraha Soomaaliga ah Abdulqawi Ahmed Yusuf, oo tan iyo 2018 hoggaanka hayay.

Donoghue, oo ah xubin ka tirsan ICJ tan iyo 2010, waxaa ku xigeen u noqon doona qareenka Ruushka u dhashay ee Kirill Gevorgian, oo beddelaya Xue Hanqin ee Shiinaha kasoo jeeda.

Mid ka mid ah howlaha horyaalla ee ay qaban doonto ayaa ah inay guddoomiso dacwadda muranka xuduud-badeedka ee u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya, taasoo la dhageysan doono 15-ka illaa 17-ka Maarso ee sannadkan 2021.

Soomaaliya waxay Kenya ka dacweysay maxkamadda ICJ sanadkii 2014, iyadoo dooneysa in ICJ ay dib u cusbooneysiiso soohdinta badda ee Badweynta Hindiya ee u dhaxeysa labada dowladood laga bilaabo khadka tooska ah ee koonfur-bari illaa xariiqa jihada bari.

Aagga laga hadlayo wuxuu ku fadhiyaa qiyaastii 100,000km2 oo badda ah waana aag la rumeysan yahay in uu leeyahay kheyraad fara badan.

Donoghue waxay sidoo kale la wareegeysaa maxkamada aduunka waqtiga dalkeeda, Mareykanka, uu wajahayo dacwad sharci ah ay gubisay Iiraan ka dib markii madaxweynihii hore Donald Trump uu dib u soo celiyay cunaqabatayntii ka saarneyd Tehran.

Sannadkii 2018-kii, Iiraan waxay ku doodeysay cunaqabateynta, oo looga qaaday 2015 heshiis nukliyeer ka dib, ay jebineyso heshiiskii Amity ee 1955 dhexmaray Tehran iyo Washington. Mareykanka waxay ku doodayaa in ICJ aysan lahayn awood sharci.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM