Hoggaamiyaha Cusub ee Iiraan Oo Fariin U Diray Dalalka Gobolka

Image

Telefishinka dowladda Iiraan ayaa baahiyay qoraal ay sheegeen inuu kasoo baxay hoggaamiyaha cusub ee dalka, Mojtaba Khamenei, kaasoo fariin ku saabsan xaaladda dagaalka iyo xiriirka gobolka ku socota.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarrada ay Iiraan wado ay ku wajahan yihiin saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla dalalka ku xeeran, isla markaana Tehran ay aaminsan tahay in saldhigyadaasi ay sabab u yihiin xiisadda gobolka.

“Waxaan fariin u diraynaa hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka, waxaanan adkaynaynaa inaan rabno xiriir wanaagsan oo aan la yeelanno waddamada nagu hareeraysan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hase yeeshee qoraalka ayaa sidoo kale si cad u sheegay in joogitaanka ciidamada Mareykanka ee qaar ka mid ah dalalkaas uusan faa’iido u lahayn gobolka.

“Jiritaanka saldhigyada Mareykanka ee dalalkan qaarkood iyo in laga adeegsado weerarro lagu qaado Iiraan ma ahan mid dan u ah gobolka, sidaas darteed waa in la xiraa,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in Iiraan aysan isu arkin cadowga dalalka deriska ah.

“Sida aan hore u sheegnay, annagu cadow uma nihin dalalka nagu hareeraysan, balse waxa aan beegsaneynaa oo keliya saldhigyada Mareykanka.”

Qoraalka ayaa sidoo kale tilmaamay in xiritaanka Marinka Hormuz uu weli ahaan doono mid Iiraan u adeegsan karto cadaadis ku wajahan Mareykanka iyo Israa’iil.

Bayaankan ma uusan si toos ah uga soo muuqan Mojtaba Khamenei, balse waxaa akhriyay weriye ka tirsan telefishinka dowladda Iiraan, kaasoo sheegay inuu yahay fariin rasmi ah oo ka timid hoggaamiyaha cusub ee dalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM