Hoggaamiyaha Cusub ee Iran Mojtaba Khamenei oo Markii Ugu Horreysay Muuqaal Laga Baahiyey

Image

Iran ayaa baahisay muuqaal naadir ah oo laga duubay Hoggaamiyaha Sare ee dalkaas, Mojtaba Khamenei, xilli maalmihii u dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in xaaladdiisa caafimaad ay aad u liidato.

Muuqaalka oo ay baahisay wakaaladda wararka Mehr ayaa muujinaya Mojtaba Khamenei oo ay hareerihiisa fadhiyaan dhowr qof, isaga oo la hadlaya. Hase yeeshee, Mehr ma sheegin goobta iyo waqtiga muuqaalka la duubay, sidoo kalena ma aysan shaacin dadka la joogay.

Wakaaladda Mehr ayaa Axaddii sheegtay in Mojtaba Khamenei uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, kaas oo hadda galay sannadkii saddexaad ee madaxtinimadiisa.

Kulanka ayaa sida la sheegay looga hadlay xaaladda gudaha Iran, gaar ahaan nolosha iyo baahiyaha shacabka, xaaladda dhaqaale, xiriirka ganacsi iyo dhaqaale ee waddamada kale, iyo weliba colaadda militari ee Mareykanka.

Mojtaba Khamenei ayaa horraantii bishii Maarso loo doortay Hoggaamiyaha Sare ee Iran, kadib markii aabbihii Ali Khamenei lagu dilay weerar cirka ah oo ay Mareykanka iyo Israel fuliyeen 28-kii Febraayo. Tan iyo markii xilka loo doortay, Mojtaba si rasmi ah looguma arag meel fagaare ah, taas oo sii kordhisay hadal-heynta ku saabsan xaaladdiisa.

Iran iyo Mareykanka ayaa bishii Abriil gaaray xabbad-joojin, waxaana bishii Juun ay kala saxiixdeen is-afgarad loogu gogol-xaarayay in colaadda militari la soo afjaro laguna gaaro heshiis nabadeed oo waara.

Hase yeeshee, heshiiskaas ayaa burburay bishii hore, waxaana Tehran iyo Washington ay muddo ku dhow laba toddobaad is-weydaarsanayeen weerarro. Madaxweyne Donald Trump ayaa markii dambe si lama filaan ah u hakiyey duqeymaha, xilli ay soo baxayeen warar ku saabsan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in colaadda xal looga gaaro.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM