Hoggaamiyaha Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu fulinayo danaha Mareykanka iyo Israa'iil

Image

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ee Yemen, Cabdulmalik Al-Xuuti, ayaa khudbad uu ka jeediyay telefishinka ku sheegay in Mareykanka iyo Israa'iil ay yihiin "isha dhibaatada iyo xasillooni darrada adduunka", isagoo Sacuudi Carabiya ku eedeeyay inay u adeegto danaha Washington iyo Tel Aviv.

Al-Xuuti ayaa sheegay in Mareykanka, Israa'iil iyo xulafadoodu ay hurinayaan colaadaha ka taagan dunida, isla markaana ay ka faa'iideystaan kheyraadka dalal kale. Wuxuu ku dooday in dagaallada ka socda Bariga Dhexe ay salka ku hayaan qorshaha Israa'iil ee lagu ballaarinayo saameynteeda gobolka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Israa'iil aysan ixtiraamin heshiisyada caalamiga ah iyo go'aannada Qaramada Midoobay, isagoo ku eedeeyay inay mas'uul ka yihiin burburka iyo dhibaatooyinka ka jira dalal badan.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ayaa Sacuudi Carabiya ku eedeeyay inay la safan tahay Mareykanka, Israa'iil iyo Britain, isla markaana ay caqabad ku tahay in dalalka Muslimiintu yeeshaan mowqif mideysan oo ku aaddan arrinta Falastiin.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalka Sacuudi Carabiya ay ka waddo Yemen uu socday sannado badan, uuna yahay mid aan sharciyad lahayn, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Xuuti ayaa ku andacooday in shacabka Falastiin ay yihiin kuwa ugu badan ee waxyeelladu ka soo gaartay siyaasadaha Sacuudi Carabiya, isagoo sheegay in Riyadh ay hor istaagtay dadaalladii lagu mideyn lahaa dalalka Muslimiinta si cunaqabateyn iyo cadaadis loogu saaro Israa'iil.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Xuutiyiinta iyo Sacuudi Carabiya ay sii kordheyso, kadib maalmo ay labada dhinac isweydaarsanayeen weerarro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka oo Qiray Qaladaad ay Dawladdiisu Gashay

Maraykanka ayaa sannadkii hore marar kala duwan dib u dhigay baahinta faylasha Epstein oo ahaa dambiile lagu helay dambiyo la xidhiidha galmo.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 10:23AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM