Hoggaamiyihii ururka IS ee Liibiya oo la dilay

Image

15 November, 2015(GO)-Wasaaradda gaashandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in weerarka  dhanka cirka ah lagu dilay hoggaamiyihii ururka IS ee dalka Liibiya.

Afhayeenka Pentagon Peter Cook ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weerarkaasi lagu bartalmaansaday Abu Nabiil oo u dhashay dalka Ciraaq.

Afhayeenka ayaa sheegay in Abu Nabiil uu ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan ururka IS ee faraca dalka Liibiya, kuna tilmaanay in uu ahaa afhayeenkii ururkaas ee ka soo muuqday muuqaal uu ururkaasi soo duubay kaddib markii uu qoorta ka gooyey dad masiixiyiin ah oo dalkaasi lagu dilay.

Afhayeenka ayaa sheegay in geerida Abu Nabiil ay wiiqidoono awoodda ururka IS ee faraca dalka liibiya, iyadoo weerarkan cirka ee uu Mareykanka ka fuliyey dalka Liibiya uu yahay kii ugu horreeyey ee uu ku qaado faraca ururka IS ee dalka Liibiya.

Xigasho: VOA

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM