Holland: Goob dadka looga Covid-19 oo la qarxiyey

Image

AMSTERDAM, Holland – Booliska Holland ayaa Arbacadii sheegay in goob dadka looga baaro Coronavirus kuna taal waqooyiga magaalada caasimada ah ee Amsterdam ay u muuqatay in si ula kac ah loo bartilmaameedsaday markii qarax ka dhacay goobta kahor inta aan la furmin.

Qaraxa ka dhacay magaalada Bovenkarspel, oo 55 KM waqooyiga ka xigta caasimada, ayaa burburiyey daaqadaha, balse wax dhaawac ah ma geysan, sidda uu war qoraal ah ku shaaciyey booliska.

Sidda ku xusan bayaanka oo lala wadaagay warbaahinta madaxa-banaan, waxay la xiray aagga si baaritaan loogu sameeyo.

"Walxaha qarxa waa in la dhigay halkaas," Menno Hartenberg, oo ah afhayeenka bilayska, ayaa siddaas u sheegay wakaaladda wararka Reuters, isagoo intaa ku daray "walxo bir ah ay dhaliyeen qaraxa.

Hartenberg ayaa tibaaxay: "Ma ogin wali waxa saxda ah ee qarxay, khubarada walxaha qarxa waa inay marka hore baaraan".

"Waxa aan leenahay waa in waxaas oo kale aysan ku dhicin si kadis ah, waa in la dejiyaa," ayuu ku adkeystay afhayeenka.

Kiisaska safmareenka Covid-19 ee Holland ayaa kor-u-dhaafaya hal milyan, iyadda oo soo kabashadda ay badan tahay hal milyan, balse waxaa geeridda sii caga-cageyneysaa in ka badan 15-kun oo ruux. Dowladda waxay wali dadka ku wacyigelineysaa in ay xoojiyaan feejignaanta badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM