Holland oo cudurdaar ka bixisay addoon ay horey u geysatay

Image
Ra'iisul Wasaare MarkRutte ayaa khudbad uu ka jeediyay magaaladda Hague waxa uu si rasmi ah cafis u waydiistay wadamadii ay gumeyssteen.

LONDON, United Kingdom - Nederland ayaa si rasmi ah raaligelin uga bixisay kaalinta ay ku lahayd adoonsi qaatay muddo 250-sano ah.

"Maanta anigoo ku hadlaya magaca dowladda Holland, waxaan raaligelin ka bixinayaa falkii hore ee dowladda Holland," ayuu Ra'iisul Wasaare MarkRutte ku yiri khudbad uu ka jeediyay Hague.

Rutte ayaa khudbad ku saabsan addoonsiga ka jeedinayey magaalada Hague ee dalka Holland waxa uu ugu yeedhay "waqti macno leh" iyadoo wasiirrada Holland ay u socdaalayaan todobo gobol oo ay hore u gumaysan jireen Koonfurta Ameerika iyo Kariibiyaanka.

Sigrid Kaag, oo ah wasiirka maaliyadda ee Nederland iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka, ayaa booqasho rasmi ah ku tagtay Suriname usbuucii hore "si uu u hubiyo bilowga waqti kale oo muhiim ah laga bilaabo 1-da Luulyo ee sanadka soo socda."

Faracii addoonsiga Nederland ayaa markaas u dabaaldegi doona 150 sano ka dib markii ay ka xoroobeen addoonsiga. Dabbaaldeggan sannadlaha ah waxaa loo yaqaanaa "Keti Koti" (Breaking the Chains) ee Surinamese.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM