Honduras oo la safatay Shiinaha cilaaqaadkana u jartey Taiwan

Image
Talaabadan ayaa ka dhigeysa in Taiwan ay aqoonsan yihiin 13 dowladood oo kaliya.

ANKARA, Turkey - Honduras ayaa ku dhawaaqdey in ay xiriirka diblamaasiyadeed u jartey Taiwan si ay cilaaqaad ula yeelato Shiinaha, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda Honduras ayaa Axada maanta ah waxay sheegtay in "dowladda Honduras ay aqoonsan tahay jiritaanka in haliya hal China uu ka jiro guud ahaan caalamka.

"Taiwan waa qayb aan la kala jari karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha," ayay raacisay. Talaabadan ayaa ka dhigeysa in Taiwan ay aqoonsan yihiin 13 dowladood oo kaliya.

Dhanka kale, xukuumadda Taipei ayaa ku eedeysay Beijing in ay isticmaalayso "qasab iyo cabsi-gelin" si ay u soo jiidato wadamadda yar-yar ee kamidka ah xulafadeeda yar.

Shiinaha iyo Taiwan ayaa dagaal ugu jiray aqoonsi diblomaasiyadeed tan iyo markii ay labada dhinac ku kala qaybsameen dagaal sokeeye ee dhacay sanadka markii uu ahaa 1949-kii.

Xukuumadda Beijing ayaa balaayiin ku bixisay sidii ay ugu guuleysan lahayd aqoonsiga siyaasaddeeda "Hal China" taasoo ku wajahan in hoos loo dhigo galaan-galka waddanka Shiinaha.

Cilaaqaadka ay Jamhuuriyadda Honduras u jartey Taiwan ayaa muddo dheer la sugayay ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda Honduras uu u safray Shiinaha todobaadkii hore.

Madaxweyne Xiomara Castro ayaa sheegtey in dawladeeda ay bilaabi doonto xiriir wanaagsan oo laba geesood ah oo ay la yeeshaan Beijing si ay uga helaan taageero maaliyadeed oo dhinac walba ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM