Hooyo iyo gabadheeda kamid noqdey dad uu ku habsadey gantaal

Image
Mas'uuliyiinta Ukraine ayaa shaaca ka dhigay in weerarkan uu ka dambeeyay Ruushka.

MOSCOW, Russia - Hooyo iyo gabadheeda oo 11 jir ah ayaa kamid ahaa saddex qof oo la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 10 kalena ay ku dhaawacmeen weerar gantaal oo Ruushku ku qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv, sida ay sheegeen saraakiisha magaaladda.

Weerarkii dhacayKhamiista maanta ah, oo billowday abbaare 3-dii subaxnimo (00:00 GMT), ayaa sababay khasaarihii ugu badnaa ee hal weerar oo Ruushku ku qaaday Kyiv toddobaadyo gudahood.

Milateriga Ukraine ayaa sheegay in nidaamka difaaca cirka uu soo riday dhammaan 10-kii gantaal ee ballistic-ga iyo Iskander ee laga soo tuuray gobolka Bryansk ee Ruushka waana weerarkii 18-aad ee caasimadda tan iyo bilowgii bishii May.

Xubin ka tirsan baarlamaanka Ukraine Inna Sovsun oo qoraal soo dhigtey ciwaankeeda Twitter-ka ayaa ka xumaatay dhimashada carruurta "weerar kale oo gantaallo ah".

"Feejignaantii duulista hawada hadda waa maqan tahay, laakiin ma seexan karo. Anigoo gacanta ku haya wiilkayga, hubinaya inuu si fiican u seexdo," ayay tiri Sovsun.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay kooxaha gurmadka oo u gurmaday dad ku hoos jira burburka dhismayaasha, iyadoo qalab dhisme oo burburay ay daadsan yihiin waddada bannaankeeda.

Burburka gantaalada soo dhaca ayaa inta badan sababa waxyeelo inta lagu guda jiro weeraradan oo kale waxaana booliisku ay sheegeen in rug caafimaad, xanaano, dhismayaal la dego iyo baabuur la burburiyay. Maamulka ma aysan sheegin qaabka loo dilay saddexda ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM