Hub maamulka Trump rabo in uu ka iibiyo Imaaraadka oo laga hortagayo

Image

WASHINGTON, USA - Saddex Senator oo Mareykan ah ayaa sheegay inay soo saari doonaan sharci isku dayaya inuu ka hortago dadaal uu maamulka madaxweyne Trump ugu iibinayo Imaaraadka Carabta hub ku kacaya 23 bilyan oo dollar.

Saddexda Senator oo kala ah, Bob Menendez iyo Chris Murphy oo Dimoqraadi ah iyo Rand Paul oo Jamhuuri ah, ayaa soo saari doona afar qaraar oo kala duwan oo lagu diidayo hubkan laga iibinayo Imaaraadka, oo isugu jira diyaaradaha drone-ka iyo kuwa F-35 iyo gantaallada lidka diyaaradaha.

Iibinta hubkan ayaa wax weyn ka beddeli kara miisaanka awoodda dalalka Bariga Dhexe, waxaana xubnaha Congress-ka ay ka walaacsan yihiin deg degta maamulka uu hubka ku iibinayo.

Qaar badan oo ka mid ah sharci dejiyayaasha ayaa sidoo kale ka walaacsan in Imaaraadka ay hubkan u adeegsan doonaan weeraro waxyeelo gaarsiin doona shacabka Yemen, halkaasi oo dagaal sokeeyey uu ka socdo in ka abdan shan sano.

Sharci-dejiyayaasha ayaa isku dayaya inay dib u dhigaan iibkan, ayada oo ay adag tahay inay joojiyaan, waxayna rumeysan yihiin in maamulka Joe Biden uu joojin doono marka uu talada dalka la wareego.

VOA

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM