Hub maamulka Trump rabo in uu ka iibiyo Imaaraadka oo laga hortagayo

Image

WASHINGTON, USA - Saddex Senator oo Mareykan ah ayaa sheegay inay soo saari doonaan sharci isku dayaya inuu ka hortago dadaal uu maamulka madaxweyne Trump ugu iibinayo Imaaraadka Carabta hub ku kacaya 23 bilyan oo dollar.

Saddexda Senator oo kala ah, Bob Menendez iyo Chris Murphy oo Dimoqraadi ah iyo Rand Paul oo Jamhuuri ah, ayaa soo saari doona afar qaraar oo kala duwan oo lagu diidayo hubkan laga iibinayo Imaaraadka, oo isugu jira diyaaradaha drone-ka iyo kuwa F-35 iyo gantaallada lidka diyaaradaha.

Iibinta hubkan ayaa wax weyn ka beddeli kara miisaanka awoodda dalalka Bariga Dhexe, waxaana xubnaha Congress-ka ay ka walaacsan yihiin deg degta maamulka uu hubka ku iibinayo.

Qaar badan oo ka mid ah sharci dejiyayaasha ayaa sidoo kale ka walaacsan in Imaaraadka ay hubkan u adeegsan doonaan weeraro waxyeelo gaarsiin doona shacabka Yemen, halkaasi oo dagaal sokeeyey uu ka socdo in ka abdan shan sano.

Sharci-dejiyayaasha ayaa isku dayaya inay dib u dhigaan iibkan, ayada oo ay adag tahay inay joojiyaan, waxayna rumeysan yihiin in maamulka Joe Biden uu joojin doono marka uu talada dalka la wareego.

VOA

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM