Human Rights Watch oo sheegtay in Israa’iil aysan u hoggaansamin amarkii Maxkamadda ICJ

Image
Amarkii Maxkamadda ayaa ahaa in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka ku nool Marinka Qasa.

Qasa (GO) - Hay’adda Human Rights Watch ayaa maanta sheegtay in Israa’iil aysan u hoggaansamin amarkii Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ahaa in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka ku nool Marinka Qasa.

Maxkamadda Cadaaladda ayaa jawaabtii ugu horreysay ka bixisay dacwadda Koonfur Afrika ee Israa’iil ku eedaysay xasuuq, iyada oo ku amartay Israa’iil inay samayso wax kasta oo karaankeeda ah si ay uga hortagto dhimasho, burbur iyo fal kasta oo ka dhaca Qasa.

Maxkaadda ayaa ka gaabisay inay amar ku bixiso in la soo afjaro weerarka milatari ee Israa’iil, kaas oo sababay masiibo bini’aadantinimo oo ka dhacday Marinka ay ku nool in ka badan 2 Milyan oo qof.

Israa'iil ayaa si adag u beenisay eedeymaha ka dhanka ah, waxayna sheegtay in ay ku jirto dagaal difaac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM