ICC oo amar dul-dhigtey Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee difaaca

Image

Hague - Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay soo saartay amarro lagu xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, iyo wasiirkii hore ee difaaca Israel, Yoav Gallant, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada oo ka dhacay Gaza. Tallaabadan ayaa dharbaaxo ku ah sumcadda caalamiga ah ee Israel xilli ay dagaal kula jirto kooxo hubeysan oo dhowr jiho ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday amar lagu xirayo oo ka dhan ah hoggaamiyaha milateriga Hamas, Maxamed Deif, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada, oo ay ku jiraan dilal, afduub, iyo xadgudubyo galmo. Israel ayaa bishii Agoosto sheegtay inay dishay Deif.

Laba toddobaad ka hor, Netanyahu ayaa shaqada ka eryay Gallant sababo la xiriira khilaafaad ka dhashay istiraatiijiyadda dagaalka Gaza. Gallant ayaa ku baaqayay heshiis degdeg ah oo xabbad-joojin ah oo lagu sii deynayo maxaabiista ku sugan Gaza. Go’aankaas ayaa meesha ka saaray taageerihii ugu weynaa ee xukuumadda Israel u ololeynayay heshiiskaas.

Xafiiska Netanyahu ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Maxkamadda, isagoo ku tilmaamay eedeymaha maxkamadda kuwa “absurd" been abuur ah.” “Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ma aqbali doono cadaadis,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Netanyahu. “Wuxuu sii wadi doonaa dagaalka ilaa laga gaarayo dhammaan ujeeddooyinka dagaalka ee lagu heshiiyay bilowgii dagaalka.”

Amarka Maxkamadda ee xisrista Netanyahu ayaa yeelan doona saameyn wax ku ool ah oo adag, sida hakinta socdaalladiisa caalamiga ah. Madaxweynaha Ruushka, Vladimir V. Putin, ayaa si weyn u yareeyay socdaalladiisa dibadda tan iyo markii ICC ay soo saartay amar lagu xirayo sanadkii hore, isagoo lagu eedeeyay duulaankii Ukraine.

Sidee u aragtaa go’aankan ICC?

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM