ICC oo amar dul-dhigtey Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee difaaca

Image

Hague - Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay soo saartay amarro lagu xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, iyo wasiirkii hore ee difaaca Israel, Yoav Gallant, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada oo ka dhacay Gaza. Tallaabadan ayaa dharbaaxo ku ah sumcadda caalamiga ah ee Israel xilli ay dagaal kula jirto kooxo hubeysan oo dhowr jiho ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday amar lagu xirayo oo ka dhan ah hoggaamiyaha milateriga Hamas, Maxamed Deif, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada, oo ay ku jiraan dilal, afduub, iyo xadgudubyo galmo. Israel ayaa bishii Agoosto sheegtay inay dishay Deif.

Laba toddobaad ka hor, Netanyahu ayaa shaqada ka eryay Gallant sababo la xiriira khilaafaad ka dhashay istiraatiijiyadda dagaalka Gaza. Gallant ayaa ku baaqayay heshiis degdeg ah oo xabbad-joojin ah oo lagu sii deynayo maxaabiista ku sugan Gaza. Go’aankaas ayaa meesha ka saaray taageerihii ugu weynaa ee xukuumadda Israel u ololeynayay heshiiskaas.

Xafiiska Netanyahu ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Maxkamadda, isagoo ku tilmaamay eedeymaha maxkamadda kuwa “absurd" been abuur ah.” “Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ma aqbali doono cadaadis,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Netanyahu. “Wuxuu sii wadi doonaa dagaalka ilaa laga gaarayo dhammaan ujeeddooyinka dagaalka ee lagu heshiiyay bilowgii dagaalka.”

Amarka Maxkamadda ee xisrista Netanyahu ayaa yeelan doona saameyn wax ku ool ah oo adag, sida hakinta socdaalladiisa caalamiga ah. Madaxweynaha Ruushka, Vladimir V. Putin, ayaa si weyn u yareeyay socdaalladiisa dibadda tan iyo markii ICC ay soo saartay amar lagu xirayo sanadkii hore, isagoo lagu eedeeyay duulaankii Ukraine.

Sidee u aragtaa go’aankan ICC?

Related Articles

Maxay tahay Shuruudda Iran ku xirtay Heshiiska Nukliyeerka Mareykanka?

Madaxweyne Donald Trump, ayaa ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee Iran iyo quwadda adduunka.

  • Caalamka

    09-04-2025

  • 09:24AM

Iran oo duqeyn doonta dal kasta oo ku garab siiya Mareykanka weerarka dalkaas

Sanadkii 2001, Mareykanka ayaa u adeegsaday Kuwait, Bahrain, Qatar iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ku yaalla inuu ka weeraro Iraq.

  • Caalamka

    06-04-2025

  • 04:21PM