ICC: South Africa ha soo Xirto Al-Bashiir

Image

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ayaa ka codsaday xukumadda Koonfur Africa inay soo xirto Madaxweynaha Sudan Cumar Xassan Al-bashiir oo haatan ku suggan magaalada Johannesburg oo uu uga qeyb galayo Shir Madaxeedka Midowga Africa.

Maxkamadda ICC ayaa sheegtay in laba warqadadood oo lagu soo xiri karro Mr. Bashir ay horey u soo saartay. Mr. Bashiir ayaa ku eedeysan , Dambiyo dagaal, Xasuuq, inuu u ku amray ciidamada Sudan iyo Maleeshiyo Carbeed oo taageersan inay xoog ku maquuniyaan kacdoon hubesan oo looga soo horjeestay dowladiisa gobolka Darfur sanadkii 2003dii.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda gobolkaasi saboolka ah ay ku dhinteen 300,000 oo qof waxaana xaqooti uu ka dhigay in ka badan 2 malyuun oo qof. Dadka dagaalkaasi ku dhintay badankood waa dad rayid ah.

XIGASHO:VOA

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM