Iiraan: Afar qof oo loo daldalay in ay la shaqeynayeen Yahuuda

Image
Fulinta xukunkan ayaa imaanaysa iyadoo Iran ay sii waddo la tacaalidda mudaaharaadyo socday muddo laba bilood ah.

TEHRAN, Iiraan - Iran ayaa dil toogasho ah ku fulisay afar qof, waxaana ay xukuntay saddex kale oo lagu eedeeyay inay la shaqaynayeen sirdoonka Israel, sidda ay ku warantey qaar kamid ah saxaafadda caalamka iyo warbaahinta maxaliga ah.

Afarta qof ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Hossein Ordoukhanzadeh, Shahin Imani Mahmoudabad, Milad Ashrafi Atbatan, iyo Manouchehr Shahbandi Bojandi.

Shaqsiyaadkan ayaa la daldalay goor hore oo Axad maanta ah ah, sida lagu sheegay website-ka rasmiga ah ee garsoorka kaasoo soo xigtay saraakiil uusan magacyadooda soo bandhigin.

Xukunka dilka ah ayaa imaanaya iyadoo Iran ay sii waddo la tacaalidda mudaaharaadyo socday muddo laba bilood ah oo qarxay bartamihii bishii Sebtembar.

Banaanbaxyadda ayaa qarxay ka dib dhimashadii Mahsa Amini, oo ah haweeney da'yar oo ay xireen booliiska anshaxa "kadib markii ay u hoggaansamin xeerka labiska ee qasabka ah".

Iran ayaa ku eedaysay Maraykanka, Israa’iil, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo Sucuudiga inay ka dambeeyaan qalalaasaha. 40 qof oo ajaanib ah ayaa la xidhay intii lagu jiray “rabshado” tan iyo bishii Sebtembar, sida uu sheegay garsoorka.

Xukunka dilka ah ee dhacay Axadii ayaan u muuqan mid si toos ah ugu xiran banaanbaxyada iyadoo shaqsiyaadka la daldalay la sheegay in ay xireen Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) iyo wasaaradda sirdoonka muddo lix bilood ah ka hor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM