Iiraan & Jabuuti oo heshiiyay kadib khilaaf 7 sano soo jiitamayay

Image

NEW YORK, Soomaaliya - Dowladaha Jabuuti iyo Iiraan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dib loo soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed todobo sano oo colaad ah ka dib.

Go’aankan ayaa yimid ka dib wada-hadallo magaalada New York ku dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhiggiisa Iiraan, intii uu socday Kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Xuseen Caamir, ayaa xaqiijiyay warkan, wuxuuna muujiyay in la doonayo in la horumariyo xiriirka saaxiibtinimo iyo sare u qaadida iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay ka faa’iideysanayaan muwaadiniinta labada dal.

Jabuuti ayaa xiriirka u jartay Iiraan kadib khilaaf dhex maray Sacuudiga iyo Iiraan, balse hadda Jabuuti waxay ku biirtay dalalka kale ee Carabta oo dib usoo celiyay xiriirkoodii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM