Iiraan: Nin gowracay xaaskiisa 17-jir ah oo xukun lagu riday

Image
Sajjad Xeydari ayaa falkan argagagax leh waxa uu qiil uga dhigay waxa loogu yeero "dil sharafeed".

TEHRAN, Iiraan - Nin madaxa ka gooyay xaaskiisa oo 17 sano jir ahayd ayaa lagu xukumay 8 sano oo xarig ah gudaha dalka Iran, sidda ay sheegeen warbaahinta oo soo xigatay garsoorka.

Sawirada Sajjad Xeydari oo sita madaxa Mona ee Ahvaz ka dib waxa loogu yeero "dilka sharafta" sanadkii hore ayaa qabsadey internet-ka waxaana ka dhashay sababay caro baahsan.

Afhayeen u hadlay garsoorka ayaa sheegay in dabacsanaanta xukunka ay sabab u tahay waalidiinta Mona oo "cafis" u fidiyay dilka halkii ay ka doonan lahaayeen ciqaab adag.

Mona ayaa, sidda laga soo xigtey warbixinadda saxaafadda waddanka Iiraan, waxay guursatay ninkeeda iyadda oo 12-sano jir ah waxayna dhashay wiil iyadda oo 14 jir ah oo keliya.

Warbaahinta gudaha ayaa intaas ku dartey in Mona ay u carartay dalka Turkiga kadib markii la wariyey in ninkeeda uu u geystay dhibaato dhanka jirka ah kadib markii ay ka diiday codsigeeda ah in la furo.

Sanadkii 2020, waxaa jirtay caro la mid ah tan ka dib markii Romina Ashrafi oo 14 jir ah uu aabaheed qoorta ka jaray ka dib markii la sheegay inay guriga kala soo carartay saaxiibkeed.

Dawladda Iiraan ayaa intaa ka dib waxay ansixisay sharci qabyo ah oo dembi ka dhigaya noocyada kala duwan ee xadgudubyada ka dhanka ah haweenka hase ahaatee illaa haatan si fiican looma fulin.

GROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM