Iiraan oo "burburisay" shabakad ka tirsan sirdoonka Ingiriiska

Image
Xukuumadda Tehran ayaa daaha ka rogtey in "shaqsiyaadkan ay ku lug lahaayeen "hurinta rabshado".

TEHRAN, Iiraan - Ciidamadda Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegtay inay burburiyeen "shabakad abaabulan" oo xiriir la lahayd hay'adda sirdoonka Britain, iyagoo xiray toddobo qof oo ay ku jiraan laba haystay laba dhalasho.

Waaxda xiriirka dadweynaha ee IRGC ee ku taal koonfur bari ee gobolka Kerman ayaa warisay in todobada qof ay "hogaaminayaan mudaaharaadyada" gobolka ugu weyn ee dalka.

IRGC ayaa intaas ku dartey in shabakadan ay "si toos ah ugu hogaansameen canaasiirta England" ayna ku lug lahaayeen "hagajinta shirqoolada qaran-dumiska" inta lagu guda jiro mudaaharaadyada.

Iran ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka socday dibad baxyo ballaran oo ka dhashay dhimashada Mahsa Amini oo 22 jir ah oo lagu dilay gacanta booliska anshaxa ee dalkaas bartamihii bishii September.

Ugu yaraan 200 ayaa ku dhintay qalalaasaha socday bilihii la soo dhaafay, oo ay hareeyeen rabshado, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Iran, in kasta oo kooxaha xuquuqda aadanaha ee fadhigoodu yahay dibadda ay tirada dhimashada ku sheegeen in ka badan 450.

Wadamada reer galbeedka, oo ay ku jirto UK, ayaa Iran ku soo rogay cunaqabatayn la xiriirta xuquuqul insaanka, iyaga oo ku eedeeyay saraakiisha Iran "jirdil iyo caburin ka dhanka ah dibadbaxayaasha ka soo horjeeda dawladda".

Xukuumadda Tehran ayaa dhankeeda ku eedaysay dalalkan inay "hurinayaan qalalaasaha" dalkaas bilihii la soo dhaafay iyaga oo taageeraya waxa ay ugu yeertay "rabshado". Eedaha ayaanan si madax-banaan loo xaqiijin karin kuna saleysan siyaasad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM