Iiraan oo daldashay nin lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogo

Image
Image
Image
Image
Image
Saddexda nin ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Shahab Mansournasab, Samad Geravand iyo Siciid Geravand.

TEHRAN, iiraan - Iiraan ayaa daldashay saddex qof oo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogo iyadoo ay sii socoto dhaleeceynta loo jeedinayo hab-dhaqankeeda ku wajahan fulinta iyo xukunada ciqaabta dilka ah ee kordhay.

Saddexda nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Shahab Mansournasab, Samad Geravand iyo Siciid Geravand, ayaa la daldalay ka dib markii la sheegay in lagu qabtey in ka badan 39 kiiloogaraam (86 rodol) oo ah Heroin.

Sida uu sheegay mareegaha rasmiga ah ee garsoorka Iiraan, raggan waxaa la toogtey ka dib markii ay qirteen inay qorsheynayeen inay daroogooyinka ku iibiyaan caasimadda Tehran.

Sharciga Iran ayaa dhigaya in qof kasta oo haysta in ka badan 30 garaam (1wiqiyadood) oo heroin ah uu muteysto ciqaab dil ah iyo in inta badan hantidiisa la qabto.

Warkan ayaa imaanaya hal maalin kadib markii garsoorka Iran uu ku dhawaaqay in uu dil toogasho ah ku fuliyay nin magaciisa lagu sheegay Shahrouz “Alex” Sokhanvari kaas oo lagu eedeeyay in uu maamuli jiray shabakad dadka ka ganacsata.

Jimcihii, Iran waxa ay xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo lala xiriiriyey kiis ku saabsan mudaaharaadyadii ka qarxay waddanka guud ahaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Banaanbaxyada ayaa dilaacay kadib markii ay bishii Sebtembar xabsi ku dhex-dhimatay Mahsa Amini, oo ah haweeney 22 jir ah oo ay xireen booliiska akhlaaqda oo ku eedeeyay eedeeyay in aysan u hoggaansamin amar qasab ah oo ku saabsan xeerka lebbiska.

Raggan ayaa la daldalay ka dib markii lagu helay dambi ah "Moharebeh" ama "dagaal ka dhan ah Alle" iyo dambi ah inay dileen sarkaal booliis ah iyo laba xubnood oo ka tirsan kooxda Basij markii ay rabshaduhu socdeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM