Iiraan oo danjire cusub u magacaabatay Sacuudi Carabiya

Image
Dhex-dhexaadin wadanka Shiinuhu uu garwadeen ka ahaa ayaa dhashay in labadaan dal ay isku soo dhawaadaan.

TEHRAN, Iiraan - Wasaaradda Arimaha Dibadda dalka Iiraan ayaa ku dhawaaqday in ay safiir u magacawday wadanka Sucuudiga, sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Cali Ridaa Cinaayati ayaa noqonaya safiirka cusub ee Iiraan u fadhin doona wadanka Sucuudiga kadib markii dhawaan labada wadan ay ku heshiiyeen in xiriirka diblamaasiyadeed ay dib u bilaabaan.

Cinaayati ayaa horey usoo noqday kaaliyaha wasiirka Arimaha dibada ee Iiraan isaga oo sidoo kale soo noqday agaasimaha qaybta dalalka khaliijka ee wasaarada Arimaha dibada Iiraan.

Diblamaasigaan ayaa la filayaa in uu dhawaan gaaro Sucuudiga iyada oo sidoo kale Boqortooyada Sucuudiguna ay dib u bilaabi doonto shaqada xarumaheeda Iiraan.

Dhex-dhexaadin wadanka Shiinuhu uu garwadeen ka ahaa ayaa dhashay in labadaan dal oo muddo xurguf dublamaasiyadeed u dhaxaysay ay isku soo dhawaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM