Iiraan oo diidey in ay danjire cusub u magacowdo Sweden

Image
Booliska Sweden ayaa todobaadkii hore ku soo oogay dacwad ninkan.

TEHRAN, Iiraan - Dowladda Iran ayaa diiday in ay safiir cusub u soo dirto dalka Sweden, kadib markii nin mudaaharaadayay uu qur’aan ku gubay bannaanka masjid ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Stockholm.

Qaxooti asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq ayaa ku gubay kitaabka quraanka kariimka ah ee Muslimiinta maalintii 1-aad ee Ciidul Adxaa bannaanka masjidka.

Booliska Sweden ayaa todobaadkii hore ku soo oogay dacwad ninkan. Balse Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amirabdollahian, ayaa ku eedeeyay dowladda Sweden inay siisay ogolaanshaha mudaaharaadka.

Qorshe lagu gubayo kitaabka qur’aanka kariimka ah ayaa bilihii lasoo dhaafay rabshado ka dhaliyaySweden. Booliiska ayaa diiday codsiyo la mid ah mudaaharaa, laakiin maxkamadaha ayaa go'aamiyay in loo ogolaado sababo xorriyadda hadalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM