Iiraan oo "fashilisay" weeraro ay fuliyeen diyaarado drones ah

Image
Wasaaradda gaashaandhiga ee Iran ayaa warisay in uusan jirin khasaaro ka dhashay falkan.

TEHRAN, Iiraan - Wasaaradda difaaca ee Iran ayaa in ay fashilisay weeraro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku qaadeen xarun ciidan oo ku taal magaalada Isfahan ee bartamaha dalkaasi.

"Weeraradu ma guulaysan mana jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay," ayay wasaaraddu ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay subaxnimadii Axaddii shalay ahayd.

Wasaaraddu ma aysan sheegin cidda looga shakisan yahay in ay weerarkaas geysatay. Hadalkan ayaa soo baxay wax yar kadib markii warbaahinta Iran ay sheegtay in qarax xooggan uu ka dhacay Isfahan.

Wararka ku saabsan weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Isfahan ayaa sidoo kale yimid iyadoo TV-ga qaranka Iran uu tabiyey in dab uu ka kacay warshad saliidda sifeysa oo ku taal aagga warshadaha ee u dhow magaalada Tabriz ee waqooyi-galbeed.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa jiray qaraxyo iyo dab dhowr ah oo ka dhacay agagaarka xarumaha militariga Iran, nuclear-ka iyo warshadaha ee Jamhuuriyada Islaamiga ah.

Dhacdooyinkaas ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo uu jiro dagaal qaraar oo qoto dheer oo u dhexeeya Iran iyo Israel kuwaasoo saxaafadda isku-mariyey hadalo xanaf leh.

Labada dal ayaa isku khilaafsan barnaamijka Nukliyeerka ee xukuumaddaTehran. Israa'iil ayaa sheegtay in Iran ay raadinayso in ay samaysato hubka nukliyeerka, eedaymaha Tehran waa ay beenisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM