Iiraan oo in ka badan 200 gantaal ku weerartay dhulka Yahuuda

Image
Nooca gantaalada ay dowladda Iiraan u adeegsatay weerarka ay ku qaadey Yahuuda ayaa lagu magacaabaa “Fataax”.

DOOXA, Qadar - Iran ayaa xalay in ka badan 180 gantaal ku weerartay Israa’iil kuwaasoo ku dhacay goobo kala duwan, iyadoo difaaca cirka Israa’iil ay ka gudbeen inta badan gantaallada. Dabaaldegyo ayaa ka socda Lubnaan iyo dhulka Falastiiniyiinta.

Weerar kale oo Toogasho ahaa ayaa isla caawa ka dhacay Tel Aviv kaasoo lagu dilay illaa 6 qof, iyadoo Ciidamada amniga Israa’iil dileen labo qof oo hubeysan oo weerarka fuliyay.

In ka badan 20 xabo oo ah diyaaradaha dagaalka F-35 jiilka 5aad kuwaasoo ah kuwa ugu casrisan waqti xaadirkan guud ahaan caalamka ayaa Israa'iil looga burburiyay duqeymaha ay caawa u geysatay Iiraan, sida ay warisay saxaafadda.

Mid kamid ah goobaha la xaqiijiyay in Iiraan ay caawa bartilmaameedsatay waxaa kamid ah xarunta hay’adda sirdoonka Yahuuda ee Mossad taasoo ku dhex taalla magaalada Tel Aviv. Hase ahaatee, wali lama xaqiijin khasaaraha dhimasho, dhaawac ama hanti.

Nooca gantaalada ay dowladda Iiraan u adeegsatay weerarka ay ku qaadey Yahuuda ayaa lagu magacaabaa “Fataax”.

Waa sawaariikh xawaarihiisa uu u dhigmo 5 illaa 25 jeer inta ay isku maqli karaa labo qof oo isku jira masaafo 1 illaa 5 miles.

Waa markii ugu horeysay oo Iiraan ay hubkan ku duqeyso gudaha dhulka Yahuuda taasoo sawir guud ka bixinaysa halista taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM