Iiraan oo in ka badan 200 gantaal ku weerartay dhulka Yahuuda

Image
Nooca gantaalada ay dowladda Iiraan u adeegsatay weerarka ay ku qaadey Yahuuda ayaa lagu magacaabaa “Fataax”.

DOOXA, Qadar - Iran ayaa xalay in ka badan 180 gantaal ku weerartay Israa’iil kuwaasoo ku dhacay goobo kala duwan, iyadoo difaaca cirka Israa’iil ay ka gudbeen inta badan gantaallada. Dabaaldegyo ayaa ka socda Lubnaan iyo dhulka Falastiiniyiinta.

Weerar kale oo Toogasho ahaa ayaa isla caawa ka dhacay Tel Aviv kaasoo lagu dilay illaa 6 qof, iyadoo Ciidamada amniga Israa’iil dileen labo qof oo hubeysan oo weerarka fuliyay.

In ka badan 20 xabo oo ah diyaaradaha dagaalka F-35 jiilka 5aad kuwaasoo ah kuwa ugu casrisan waqti xaadirkan guud ahaan caalamka ayaa Israa'iil looga burburiyay duqeymaha ay caawa u geysatay Iiraan, sida ay warisay saxaafadda.

Mid kamid ah goobaha la xaqiijiyay in Iiraan ay caawa bartilmaameedsatay waxaa kamid ah xarunta hay’adda sirdoonka Yahuuda ee Mossad taasoo ku dhex taalla magaalada Tel Aviv. Hase ahaatee, wali lama xaqiijin khasaaraha dhimasho, dhaawac ama hanti.

Nooca gantaalada ay dowladda Iiraan u adeegsatay weerarka ay ku qaadey Yahuuda ayaa lagu magacaabaa “Fataax”.

Waa sawaariikh xawaarihiisa uu u dhigmo 5 illaa 25 jeer inta ay isku maqli karaa labo qof oo isku jira masaafo 1 illaa 5 miles.

Waa markii ugu horeysay oo Iiraan ay hubkan ku duqeyso gudaha dhulka Yahuuda taasoo sawir guud ka bixinaysa halista taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iiraan: Wasiir booqdey goob laga digay in ay ku beegsato Iiraan

Shiinaha, oo aan aqoonsanayn cunaqabateynta Mareykanka, ayaa ah macmiilka ugu weyn ee Tehran.

  • Caalamka

    06-10-2024

  • 07:54AM

Hezbollah oo sheegtay in ay beegsadeen taangi ay leedahay Israa'iil

Weerarkan ayaa qeyb ka ah ololaha iska-caabinta ee ay waddo kooxda reer Lubnaan.

  • Caalamka

    05-10-2024

  • 09:13AM