Iiraan oo ku hanjabtay in hal litir oo shidaal ah uusan ka gudbi doonin marinka Hormuz

Image

Xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ayaa sii xoogeysanaysa kadib markii ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ay sheegeen in marinka muhiimka ah ee Hormuz aan loo ogolaan doonin wax shidaal ah ka gudbo inta uu socdo dagaalka u dhexeeya Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil.

Afhayeen u hadlay taliska militariga ee Khatam al-Anbiya ayaa sheegay in maraakiibta xiriirka la leh Mareykanka, Israa’iil ama xulafadooda loo arki doono bartilmaameed sharci ah. Hadalkan ayaa muujinaya in Iiraan ay doonayso inay cadaadis ku saarto suuqyada tamarta caalamka iyadoo ka jawaabaysa duqeymaha lagu hayo dalkaas.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale ka digay in qiimaha saliidda dunida uu si weyn u kici karo, isagoo sheegay in foostada saliidda ay gaari karto ilaa $200, maadaama ammaanka gobolka uu si toos ah u saameeysay sahayda tamarta.

Marinka Hormuz, oo u dhexeeya Gacanka Faaris iyo Badda Carbeed, ayaa ah mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee tamarta adduunka, waxaana la qiyaasaa in ku dhowaad shan meelood meel saliidda caalamka ay halkaas ka gudubto. Hakadka ku yimid marinkan iyo hoos u dhaca wax-soo-saarka qaar ka mid ah dalalka Khaliijka ayaa durba keenay in qiimaha saliidda uu si degdeg ah u kaco toddobaadkan.

Wararka shirkadaha amniga badda ayaa sidoo kale sheegaya in dhowr markab lagu weeraray gudaha marinka Hormuz, mid ka mid ahna uu ahaa markab xamuul oo wata calanka Thailand oo lagu beegsaday meel u dhow xeebaha Cumaan.

Iyadoo khatartu sii kordhayso, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhiirrigeliyay maraakiibta inay sii isticmaalaan marinkan, isagoo sheegay in ammaanka uu si degdeg ah u soo laaban doono.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in xaaladdaasi ay sidoo kale saameyn ku yeelan karto gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo, gaar ahaan dalalka Afrika ee ku tiirsan sahayda kasoo gudubta marinkan.

Si loo dejiyo suuqyada, Hay’adda Tamarta Caalamiga ah (IEA) ayaa ku dhawaaqday in 32 dal oo xubno ka ah ay isku raaceen in laga sii daayo kaydka degdegga ah ee saliidda ilaa 400 milyan oo foosto, si loo yareeyo saameynta dhaqaale ee ka dhalatay dagaalka.

Si kastaba, khubarada amniga badda iyo dhaqaalaha ayaa sheegaya in xalka dhabta ah uu ku xirnaan doono dib u furista marinka Hormuz, maadaama xirnaanshihiisu uu keeni karo qalalaase weyn oo ku yimaada ganacsiga iyo tamarta adduunka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM