Iiraan oo UN-ka ku wargelisay qorshe ay ka fulineyso Gaza

Image
Xukuumadda Tehran ayaa sidoo kale waxay cambaareysay weerarada Mareykanka iyo Ingiriiska la beegsadeen Yemen.

TEHRAN, Iran - Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa “khalad istiraatiiji ah” ku tilmaamay weerarrada militari ee Mareykanka iyo UK ay ku qaadeen Xuutiyiinta.

Hossein ayaa hadalkan wuxuu khadka telefoonka ugu sheegay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, sida ay warisay wakaaladda wararka ee dowladda Iran ee IRNA.

Isagoo tixraacaya xiisadaha ka taagan Badda Cas, Guterres "wuxuu muujiyay walaac ku saabsan fiditaanka iskahorimaadyada gobolka", ayay tiri IRNA.

Amir-Abdollahian ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay Guterres "in Iran ay diyaar tahay in ay gargaar bini'aadantinimo u dirto dadka Falastiiniyiinta ah ee go'doomiyey".

Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa bilaabay duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyada militariga Xuutiyiinta ee gudaha waddanka Yemen 12-kii Janaayo.

Weeraradan ayaa waxa ay sheegeen in ay qaadeen si ay uga jawaabaan weerarrada soo noqnoqda ee kooxda ay taageerto Jamhuuriyadda Iran ee lagu qaaday maraakiibta mara badda cas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM