Ilhaan Cumar oo cambaareysay cafis uu sameeyay Trump

Image

WASHINGTON, US – Cafiska Madaxweyne Trump u sameeyay afarta ilaaliye ee kamidka ahaa Blackwater ee loo xukumay dilka 14 qof oo rayid Ciraaqiyiin ahaa wuxuu ahaa "wax laga xumaado," ayay ka dhawaajisay Ilhan Omar.

"Sannadkii 2007, afar qandaraaslayaal Blackwater ah ayaa rasaas ku furay isgoyska dadku ku badan yihiin ee magaalada Baqdaad, halkaas oo ay ku dileen 14 qof oo rayid ah oo reer Ciraaq ah," ayay Ilhaan kusoo qortey barteeda Twitter-ka kadib war-saxaafadeedka kasoo baxay Aqalka Cad.

Xildhibaanadda ayaa hadalkeeda intaas ku dartey: "Toddobaadkan, Donald Trump wuxuu siiyay cafis shuruud la'aan ah. Tani waxay sharaf dhac ku tahay dalkeenna iyo ku dhaqanka sharciga".

Ilhaan oo Mareykanka ku gashay qaxooti ahaan markii qoysaskeeda uga qaxeen Soomaaliya sababo ku aadan colaada ka jirtay ayaa sheegtay in talaabada Trump ay dureyso farqiga dilka saxda ah iyo kan ola-kaca-ah.

Shaqsiyaadka uu saamaxay Trump ayaa ahaa qandaraaslayaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Falka ay ku laayeen muwaadiniinta Ciraaq ee uu ku jiro cunug yar wuxuu dhacay 2007-dii.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal waqtigaa ka akdhowaa goobta, waxaa dhacdadaas ku dhaawacmay 17 kale oo meesha joogay.

Qareenada difaacaya ragga ayaa ku dooday in ay rasaasta rideen kadib markii ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen kooxaha kacdoonka Ciraaq.

Nicholas Slatten oo lagu helay dil darajada koowaad ayaa lagu xukumay xabsi daa’in bilaa cafis ah. Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen inuu isagu ahaa qofkii koowaad ee xabadda riday iyadda oo aan la daandaansan.

Paul Slough, Evan Liberty iyo Dustin Heard ayaa lagu xukumay dil toogasho ah sanadii 2014 kadib dacwad mudo bilo qaadatay ka socotay maxkamada federaalka ee Washington.

Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad oo lagu shaaciyay cafiska madaxweynaha 22-kii bishii Diseembar ayaa lagu sheegay in go’aanka uu ku yimid taageero ballaaran oo dhinaca shacabka ah, waxaana intaa raacisay in raggaasi ay leeyihiin "taariikh dheer oo ay Qaranka ugu adeegayeen".

Trump ayaa talaabooyinkan qaadaya iyadda oo maalmo qura ay uga harsan tahay waqtiga uu xilka ku wareejinayo madaxweynaha la doortey Joe Biden kaasoo kaga guuleystay doorahooyinkii qabsoomay bishii November, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM