Ilhaan Cumar oo garaacdey murashax aad loo maalgeliyey ololihiisa

Image

WASHINGTON, US - Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa uga adkaatay xeer-ilaaliye Antone Melton-meaux, doorasho horudhaca ah, iyada oo bisha soo aadan ee November la tartameysa murashaxa xisbiga Jamhuuriga.

Haweenaydan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya isla markaana mucaarad weyn ku ah maamulka Donald Trump ayaa ku badisay 57%, halka Antone Melton-meaux uu helay 39%.

Antone Melton-meaux ayaa si weyn loo maalgeliyey ololihiisa doorashadda, waxaana ku talagalka ah uu ahaa in guuldarro dhabarka uu u saariyo Ilhaan, taasoo muuqata in aysan dhicin.

Si uu ugu oor-kacsado, tartamaha laga guuleystay ayaa ololihiisa u adeegsaday sooyaalka wadaniyadeed ee Ilhaan iyo hadalada dooda badan dhaliyey ee ay fagaareyaasha ka jeedisay.

Markii ay soo baxdey natiijadda, Ilhaan ayaa u dabaaldegtay, waxaana ay ka muujisay farxad, iyaddoo u mahadcelisay dhamaan intii u coddeysay oo taageereyaasheeda ah.

Dhinaca kale, Cumar Faatax oo ah nin dhalinyaro Soomaali ah ayaa kusoo baxay kursi uu xubin buuxda kaga noqonayo Aqalka Senate-ka ee gobolka ay Soomaalida ku badan tahay ee Minnesota.

Natiijada coddeyn ka dhaceysa xaafadda 6-aad ee golaha degaanka ee magaalada Minneapolis oo Soomaali 7 qof gaaraya iyo 4 qof oo kale ay ku tartamayeen ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo dhowaan.

Mareykanka ayaa kamid ah wadamadda caalamka ee Soomaalida ay sidda weyn uga dhex-muuqdaan siyaasadda, iyaddoo ku kala jira xisbiyadda Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga oo ku loolamaya coddeynta xigta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka.

  • Caalamka

    09-09-2025

  • 12:51PM

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM