Ilhaan Cumar oo shaacisay dhibaato ay kala kulantay weerarada Trump

Image

WASHINGTON, US – Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in weerarka iyo aflagaada joogtada ah ee ay kala kulanto Donald Trump ay halis geliyeen nafteeda markii asbuucii hore ku shaabadeeyay "in ay neceb tahay" dalka Mareykanka.

"Mar walba oo madaxweynaha uu soo qaado magaceyga, waxay abuureysaa rabshad iga dhan ah," ayay Xildhibaanadda u sheegtay Tv-ga MSNBC.

Hadalkeeda ayay intaas ku dartay: "Madaxweynaha wuxuu abuurayaa jawi uu ugu hanjabayo mucaaradkiisa siyaasadda. Dadka ma fahmayaan in dimuqraadiyada aan taageereyno ay tahay kala aragti duwanaanta, balse maahan midda khatarta gelineysa nafta qof kale".

"Marka aad tahay hogaamiye, madaxweynaha Mareykanka oo aan fahmin maamuskaas, kadib waxaa ka dhalaneysa halis aan kaliya dhibaato ku ahayn nolosheena balse dimuqraadiydeena iyo qaabka loogu camal-falayo".

Bilihii ugu dambeeyay, Trump ayaa dhowr jeer Ilhaan ku ekeeyay weeraro afka ah isagoo ku tilmaamaya in ay tahay shisheeye. Bishii hore, Trump wuxuu tibaaxay in Ilhaan u sheegeyso "qaabka aan u maauleyno dalkeena".

Bishii June, taageereyaashiisa ayuu u sheegay in Ilhaan Cumar ay "dhabarka ku sidato naceyb, ayna baadigoobeyso Ameerika oo shuuci noqota".

"Sidda uu yahay waddanka ay ka timid ee Soomaaliya ayay dooneysaa in ay ka dhigto dalkeena; dowlad la'aan, nabad-gelyo xumo, boolis uusan ka jirin oo eber ah, kaliya jahwareer," ayuu ka sheegay isu soo bax olole doorasho.

Hanjabaadyo khaarijin ah

Ilhaan oo Soomaaliya kaga qaxdey colaad sokeeye, Mareykankana ku gashay qaxooti ahaan iyaddoo 12-jir ah ayaa 2018-kii noqotay haweenaydii ugu horeysay Afrikaan Muslim ah oo baarlamaanka Mareykanka ku biirta.

Tan iyo markii la dhaariyey horaanta sanadkii 2019-kii, Ilhaan ayaa bartilmaameed u ahayd siyaasiyiinta midigta fog ee taageera xisbiga Jamhuuriga.

Taageereyaasheeda ayaa ku eedeeyay Jamhuuriyiinta ay ku dayaacadeynayaan in ay tahay shisheeye doonaya "in ay dhibaateeyo waddanka Mareykanka".

Fariimaha ay heleyso waxay qaarkood ahaayeen hanjabaadyo dil ah. Xafiiskeeda wuxuu wariyey in tani ay ka dhalatay weerarada afka ee Donald Trump.

Bishii lasoo dhaafay ee Maaj, shaqsi ku nool New York ayaa sanad xabsi ah waxaa loogu xukumay in uu ugu hanjabay in uu xabad kaga dhufanayo qoorta.

Hanjabaadyadda ayaa aad u kordhay sanadkii 2019-kii, waxaana arrintaas ay qasabtay in afhayeenka Aqalka Hoose ee Nancy Pelosi ay soo jeediso in ammaanka Ilhaan Cumar sarre loo qaado isla markaana loo qoro ilaalo dheeriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM