Ilhaan oo mar kale ku guuleystay kursiga baarlamaanka Mareykanka

Image

WASHINGTON, US - Ilhaan Cumar oo mar kale ku guuleystay kursiga baarlamaanka Mareykanka ayaa ka adkaatay Lacy Johnson, oo ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga, iyo Michael Moore, oo ahaa murashax madax-banaanaa.

Sidda ay muujineyso natiijadda soo baxdey, Ilhaan ayaa heshay codad gaaraya 251,820 taasoo la macno ah in ay ku badisay isku cel-celis ahaan 64.6%.

Murashaxii ka socday xisbiga Jamhuuriga oo wadar ahaan helay codad dhan 100,907 ayaa isku cel-celis ahaan waxay uga dhigan tahay 25.9%.

Moore oo dhankiisa ahaa murashax madax-banaan ayaa helay 37,126 taasoo isku cel-celis ahaan ka dhigan 9.5%, sidda ay muujineyso max-suulka coddeynta.

Wadarta guud ee dadka codadkooda dhiibtay ayaa gaaraya 389,853. Kursiga ay ku tartamayeen wuxuu ahaa degmadda Shanaad ee magaalada Minnesota.

Kadib markii lagu dhawaaqay natiijadda ay labinta ku heshay, Ilhaan ayaa muujisay dareen farxadeed, iyaddoo u mahadcelisay taageereyaasheeda.

Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii ugu horeysay oo Ilhaan loo doortay xubin ka noqoshada Aqalka Hoose ee baarlamaanka Mareykanka, waxayna noqotay haweenaydii ugu horeysay oo Soomaali Afrikaan Muslim ah oo ku biirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM