​Imaam Caan ah oo Sacuudiga ku geeriyooday

Image

Kumanaan Sucuudiyaan ah ayaa maanta ka qayb galay aas loo sameeyay ALLAHA u naxariistee Imaankii Masjidka al-Nabawi Sheekh Maxamed Ayuub, kaasoo saaka hiraabtii hore ku geeriyooday magalada Madina.

Sheekhu wuxuu ku dhintay da'da 64 sida ay sheegtay wakaaladda rasmiga ah ee Sacuudiga warka u faafisa. Shiikha ayaana jirin xanuun uu la jiifay.

Maxamed Ayuub, wuxuu ku dhashay magaalada Maka sannadkii 1952-dii, wuxuuna qabtay xilka imaamnimada masjidka Nabawi 1999-kii isagoona hayay muddo 7-sano ah, balse wuxuu kusoo laabtay sannadkii 2015.

Shiikha geeriyooday, waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah ragga ugu badiya akhriska Qur'aanka Kariimka, waxaana lagu aasay Qubuuraha loo yaqaano al-Baqiic.

300,000 [Saddex boqol oo kun] oo qof ayaa maanta barahooda Twitterka ku qoray geerida Sheekh Maxamed Ayuub.

Wariyaha caanka ee Sacuudi Carabiya u dhashay ee la yiraahdo Axmed Shaqiiri, ayaa yiri; "Shiikhu wuxuu ahaa astaan caalami ah, si muran la'aan ah".

EEBBE ha u naxariistee Sheekha ayaa ku caanbaxay akhriska ruxa quluubta dhagaystayaasha, gaar ahaan markuu tujinayo salaadda Taraawiixda ee bisha Ramadaan iyo cajaladaha duuban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM