Imaaraadka oo xaqiijiyey in uu qaabilay Ashraf Ghani

Image
Madaxweynaha baxsadka ah ee waddanka Afghanistan ayaa Kabul kasoo cararay Axadii todobaadkan.

KABUL, Afghanistan - Madaxweynaha baxsadka ah ee waddanka Afghanistan, Ashraf Ghani, ayaa ku sugan gudaha Isutaga Imaaraadka Carabta, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkan reer Khaliijka.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta waxay xaqiijin kartaa in Imaaraadka Carabta ay ku soo dhoweysay dalkaMadaxweyne Ashraf Ghani sababo arrimo bini’aadanimo," ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka.

Mr Ghani ayaa ka cararay caasimada Kabul galabnimadii Axadda iyadoo dagaalyahanada Taliban ay ku sii siqayaan magaalada halkaasoo aakhirtaankii ay la wareegeen 20-sano oo ay dibad-joog ka ahaayeen.

Mr Ghani oo lagu eedeeyay in uu la baxsadey lacag tirro badan ayaa difaacay tallaabadaas, isagoo Facebook ku yiri: "Si looga fogaado dhiig daata, waxay ila noqotay inay fiicnaan lahayd inaan baxo".

Hoggaamiyaasha Daalibaan ayaa sheegay inay dhowaan dunida tusin doonan wajigooda dhabta ah - marka la barbardhigo 20 -kii sano ee la soo dhaafay, oo ay inta badan ku noolaayeen si dhuumaaleysi ah.

Mid kamid ah aas-aasayaasha kooxda, Mullah Baradar, ayaa ku soo laabtay magaalada Kandahar ee dalka Afgaanistaan ​​waxaana la filayaa inuu yimaado caasimadda Kabul ugu dambayn Arbacada ama Khamiista.

Diyaaradaha shisheeye ​​ayaa bilaabay inay daabulaan muwaadiniintoodda iyo qaxootiga Afgaanistaan. Australia waxay daadgureysay 26 qof, Jarmalka 131, waxaana sidoo kale duushay diyaarad ay la socdeen 40 qof.

Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah Muwaadiniinta u dhashay dalka Holland ee Afganistan ayaa daaha ka rogay inay Ilaalada Maraykanka u diideen inuu Diyaaradooda raaco

Calaamadaha nolosha ayaa si taxaddar leh dib uga bilaabanaya Kabul. Al-Jazeera waxay tibaaxdey in dukaammada iyo maqaayadaha si tartiib tartiib ah dib loo furayo, in kasta oo haween aad u yar ay waddooyinka maraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM

Israel oo markale weerari doonta Iran

Saraakiisha Israa'iil iyo Pentagon-ka ayaa hadda qiyaasaya in weeraradii ugu dambeeyay ay barnaamijka Iran dib u dhigeen ilaa laba sano. 

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 11:07AM