Imaaraadka oo xayiraad kusoo rogay dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image

ABU DHABI, UAE – Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii wuxuu si ku meelgaar ah u joojiyey in uu dal ku gal siiso dadka ka imaanaya Soomaaliya iyo 11 dal kale, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Sidda ku xusan warbixinadda ay tabineyso warbaahinta, go'aankan ayaa la xiriira soo-rogaal-celiska uu sameynayo fayruska Corona.

Liiska dowladaha ay saameyneyso xayiraadda ayaa waxay kala yihiin; Turkey, Iran, Yemen, Syria, Iraq, Pakistan, Libya, Kenya iyo Afghanistan.

Inkasta oo aan lasoo bandhigin xilliga la qaadayo xayiraadaas, haddana waxaa la sheegay in ay sii jireyso illaa iyo amar dambe uu kasoo baxayo.

Soomaaliya ayaa laga diiwaan-geliyey kiisas Covid-19 oo tiradoodu gaareyso 4,301; dadka ka bogsaday waxay mareysaa 3,330, halka dhimashadda lagu waramay in ay sii cagacageyneyso 107 marxuum Soomaali ah.

Guud ahaan caalamka, kiisaska Covid-19 ayaa ka badan 55 milyan ruux, halka bogsashadda ay tahay 35 milyan, halka geerida ay tahay 1.34 milyan.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee loo garan-og-yahay WHO ayaa waxay ugu baaqdey dowladaha in ay qaadaan talaabo kasta oo ay u arkaan in looga baaqsan karo in saameynta fayruska ay gaarto bulshada qeybteeda nugul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM