Imaaraadka oo 5 milyan oo doolar u qoondeeyay gargaarka Shacabka Qasa

Image
Gargaarkan ayaa laga golleeyahay in lagu taageero dadaallada Qaramada Midoobay ee dib u dhiska Qasa.

Abu Dhabi (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa ku dhawaaqay in loo qoondeeyay 5 milyan oo doolar si loogu taageero dadaallada Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadantinimada iyo dib u dhiska Qasa.

Bin Zayed waxa uu carabka ku adkeeyay in Imaaraadka Carabta ay aad u jecel yihiin inay taageeraan howlaha bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay ay ka wado Marinka Qasa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladiisa ay taageereyso dadaallada Sigrid Kaag oo ah xariiriyaha Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadantinimada iyo dib u dhiska Qasa, si sare loogu qaado gurmadka degdega ah ee lagu daboolaya baahiyaha Shacabka Qasa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa kal hore kala hadlay hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga dalka Falastiin ee UNRWA, Philippe Lazzarini, sidii ay hay’addu uga taageeri lahayd sii wadista howlgallada ay ka waddo Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM