Imaaraadka oo ka baxay wadahadalo uu hub uga iibisan lahaa Mareykanka

Image
Maamulka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay heshiiskan ku kacaya $23bn oo uu la galay Imaaraadka sanadkii hore.

ABU DHABI, UAE - Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ku wargeliyay Mareykanka inay hakiyeen wadahadallo ku saabsan heshiis hub ah oo ku kacaya $23 bilyam oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka F-35, sida ay sheegtay safaaradda Imaaraadka ee Washington, DC.

Warbixin ay siisay wakaaladda wararka ee Associated Press Talaadadii, safaaraddu waxay ku sheegtay in Imaaraadku “hakin doono wada-hadallada” iibka, halka shirarka Pentagon-ka ee la qorsheeyay dabayaaqada usbuucan ay ka yeelan doonaan arrimo kale sida qorshuhu yahay.

Sarkaal ka tirsan Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters bayaan ay soo saartay Talaadadii in "sharciyada farsamada, xaddidaadaha hawlgallada madax-bannaan, iyo falanqaynta kharashka ay keentay in dib loo qiimeeyo" heshiiska.

Maamulka Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay heshiis hub ah oo gaaraya $23bn oo uu la galay Imaaraadka sanadkii hore.

Talaabadaas waxay la xiriirtaa waxa loogu yeero "Heshiiska Abraham", kaas oo sababay UAE - iyo sidoo kale Bahrain, Morocco iyo Sudan - inay ku heshiiyaan inay caadi ka dhigaan xiriirka Israel.

Xidhmada $23.37 bilyan waxa ay ka koobnayd badeecooyin shirkadaha ka yimid General Atomics, Lockheed Martin iyo Raytheon Technologies, oo ay ku jiraan 50 xabo oo ah diyaaradaha F-35 Lightning II.

Talaadadii, afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa sheegay in iskaashiga u dhexeeya Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta uu yahay mid istiraatiiji ah oo ka adag iibka hubka, "waxaana Washington ay ka go’an tahay inay Abu Dhabi kala shaqeyso sidii loo xalin lahaa walaacooda".

Hadalka ka soo baxay safaaradda Imaaraadka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii Imaaraadka uu ogolaaday in 80 diyaaradood oo nooca Rafale ah laga soo iibsado dalka Faransiiska, iyadoo lagu iibsanayo lacag dhan 15.8 bilyan oo dollar, mar uu booqasho ku tagay madaxweyne Emmanuel Macron, taasi oo muujinaysa in dalka shidaalka Khaliijka qaniga ku ah saliidda uu door kale leeyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM

Dalalka Carabta oo cambaareeyay hadalka safiirka Mareykanka ee Israa’iil 

Masar ayaa sidoo kale si adag u diidday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed ama laga gooyo Marinka Gaza.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 08:33PM