Imaaraadka oo ku baaqay in xabad-joojin laga sameeyo Gaza

Image
Imaaraatka oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ayaa xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah iyo xiriir dhaqaale la leh Israel.

ABU DHABI, UAE - Yousef Al Otaiba, safiirka Abu Dhabi ee Washington, ayaa ka qaylo-dhaamiyey xaaladda bini'aadantinimo ee xun ee Gaza.

"Xabbad joojin degdeg ah iyo gargaar degdeg ah ayaa loo baahan yahay si loo daboolo masiibada bini'aadantinimo ee Gaza ee sii kordheysa," Al Otaiba ayaa ku yiri hadal uu warbaahinta bulshada la wadaagay safaaradda Imaaraadka Carabta ee Mareykanka.

“Dadka kala bar ayaa gaajo u dhimanaya. Nidaamkii caafimaadku wuu dumay. Biyo ammaan ah ayaa gabaabsi ah. Duulaanka soo socda ee Israel ayaa barakici doona malaayiin.”

Imaaraatka oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ayaa xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah iyo xiriir dhaqaale la leh Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM