Imran Khan oo shaaciyey "cidda ka dambeysay" toogashadiisa

Image
Ra'iisul Wasaarihii Hore ee Pakistan ayaa laga dhaawacay kubka xilli uu ka qeybgalaayey mudaaharaad.

ISLAMABAD, Pakistan - Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa khudbadiisii ​​ugu horeysay jeediyay fagaare ah tan iyo markii la toogtay xilli uu mudaaharaad ka socday magaalada Wazirabad ee bariga dalkaasi.

Isagoo ku fadhiya kursiga curyaamiinta ee cisbitaal ku yaal Lahore, Mr Khan wuxuu sheegay inuusan ka badbaadeen toogashada haddii labada qof ee weerarka gestay aysan isku qabsadeen bastooladda.

"Maadaama aan dhacay, mid ka mid ah kuwii toogashada geystay ayaa u maleynayay inaan dhintay, wayna ka tageen goobta," ayuu hadalkiisa ku daray Imran Khan.

Ra'iisul wasaaraha haatan xilka haya ee Pakistan ayuu si toos ah wuxuu ugu eedeeyay in uu ku lug lahaa "isku-daygan la doonayay in nolosha la igu dhaafiyo balse aanan dhicin".

Dhanka kale, dowladda Pakistana yaan wali ka jawaabin eedeyntan culus ee kasoo yeertey Khan. Balse, waxaa xaqiiqo ah in labada dhinac ay isku-hayaan siyaasadda.

Bishii hore, guddiga doorashada Pakistan ayaa Mr Khan ka diiday inuu qabto xafiis dowladeed, taasoo uu ku tilmaamay ciyaaryahankii hore ee Cricket-ka mid siyaasadeed.

Qirasho muuqaal ah oo boolisku sii daayay, nin lagu eedeeyay inuu toogtay ayaa sheegay in cayaaryahankii hore ee Cricket-ka uu dadka marin habaabiyay, isaga oo sheegay in uu "doonayay in uu u dilo" falkaas uu sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM