Imran Khan: Ra'iisul Wasaaraha Pakistan oo laga helay Covid-19

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Ra'iisul Wasaaraha dalka Pakistan, Imran Khan, ayaa laga helay safmareenka halista ah ee Coronavirus, sida uu Sabtida maanta ah ku dhawaaqay wasiirka caafimaadka waddankaas, Nausheen Hamid.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Khan ayaa Khamiista todobaadkii hore waxaa uu qaatay talaalka Covid-19.

Pakistan ayaa kamid ah dalalka bilaabay in ay shacabkooda ka talaalaan Covid-19, iyaddoo mas'uuliyiinta ugu sareysay ay safka hore kaga jiraan qaadashadda talaalkaas.

Khan oo 68-sano jir ah ayaa saacado kadib markii la talaalay wuxuu dadweynaha Pakisan uu cod dheer kula dardaarmay in ay dardargeliyaan in ay u hogaan-samaan talooyinka caafimaad ee looga hortagayo caabuqa aadka u faafa.

War-saxaafadeedka xafiiska Khan ayaa lagu caddeeyay in wasiirka koowaad ee xukuumadda Islamabad uu haatan ku karantiilan yahay hoygiisa.

"Ra'iisul Wasaaruhu haatan xaaladiisa caafimaad waa mid degan, wuxuuna kusii shaqeyn doonan gurigiisa illaa caafimaadkiisa uu taam kasoo noqonaayo," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaankan oo lala wadaagay warbaahinta.

Kiisaska Coronavirus ee waddanka Pakistan ayaa maraya 623-kun, dadka soo kabanaya waxay sii cagageynayaan 580-kun, halka geerida ay kor-u-dhaafeyso 13-kun, sidda ku xusan warbixintii u dambeysay ee Waaxda Caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM