In ka badan 100 dowladood oo taageerey xabad-joojinta Gaza

Image
Qaraarkan ayaa waxaa is-hortaag diidmo qayaxan ah uu ku sameeyay Mareykanka.

NEW YORK, USA - Danjire Majed Bamya oo ah ku xigeenka kormeeraha joogtada ah ee Falastiin u jooga Qaramada Midoobay, ayaa bartiisa bulshada ku faafiyey qoraal in ka badan 100 dal oo taageeray qaraarkii xabad joojinta Gaza.

Qaraarkan oo uu Mareykanka is-hortaag diidmo qayaxan ah uu ku sameeyay ayaa waxaa la horgeeyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay Jimcihii.

Qaraarka lagu dalbanayo xabbad-joojin degdeg ah ayaa guul-darraystay markii Maraykanka oo keliya uu adeegsaday awooddiisa diidmada qayaxan si uu u burburiyo soo jeedintii nabadda loogu soo dabbaali lahaa dhulka Falastiin.

Boqortooyadda UK ayaa sidoo kale waxa ay tahay xubin joogta ah ka ah golaha ammaanka ayaa ka aamusay coddeynta taasoo usoo jiiday cambaareyn caalami ah waxaana lagu eedeeyay in ay taageereyso baabi'inta dadka shacabka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM