In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Image

Texas – In ka badan 160 qof ayaa weli la la’yahay kaddib fatahaado halis ah oo ku dhuftay gobolka Texas, sida uu shaaciyay Talaadadii Guddoomiyaha gobolka, Greg Abbott. Tirada dadka la la’yahay ayaa si aad ah u korortay, iyadoo dhimashadu haatan gaartay 109 qof.

Afarta maalmood ee lasoo dhaafay, roobab mahiigaan ah oo ay wehliyaan fatahaado degdeg ah ayaa ku rogmaday dhowr degmo oo gobolka Texas ka tirsan, qaar koodna waxay dhaceen xilli habeen ah, taasoo rajada laga qabo in dad hor leh lagu helo nool ay aad u yartahay.

“Kaliya degmada Kerr County, waxaa la xaqiijiyay in 161 qof ay la’yihiin,” ayuu yiri Guddoomiye Abbott oo la hadlay saxaafadda intii lagu jiray howlgallo gurmad iyo raad-raac ah oo socda. Wuxuu intaas ku daray: “Tiradaasi way korodhi kartaa, waana dad ay waayeen ehelkooda, asxaabtooda ama deriskooda.”

Degmada Kerr, oo qeyb ka ah aagga bartamaha Texas ee loo yaqaan "Flash Flood Alley", ayaa ah tan ugu daran ee ay musiibadu saameysay, iyadoo ugu yaraan 94 qof halkaas ku dhinteen.

Tiradaas waxaa ku jira ugu yaraan 27 gabdhood iyo macallimiin la socday oo ku sugnaa xero xagaaga dhalinyarada ah oo ku taalla webiga Guadalupe, xilli webigu fatahay saqdii dhexe habeenkii Jimcaha, iyadoo dadku u dabaal-degayeen maalinta xoriyadda Mareykanka ee 4-ta July.

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday, taasoo sababtay khasaaro ba’an oo naf iyo maalba leh.

Hay’adaha gurmadka degdegga ah ayaa wali ku howlan baadi-goobka dadka la la’yahay, iyadoo xaalad degdeg ah lagu soo rogay qeybo badan oo gobolka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM