In ka badan 20 qof oo ku dhaawacmay duqeyn dhanka cirka ah

Image
Dowladda Ukraine ayaa sheegtey in duqeymaha ay ka dambeeyaan ciidamadda Ruushka.

MOSCOW, Russia - Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhaawacantay weerar ay diyaaradaha Russia ku qaadeen magaalada dekedda leh ee Mykolaiv, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Guddoomiyaha gobolka, Vitaliy Kim oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in laba qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarro cirka ah oo habeenkii saddexaad socda.

"Dhisme saddex dabaq ah oo la deggan yahay ayaa lagu duqeeyay bartamaha magaalada Mykolaiv subaxnimadii Khamiista," Kim ayuu ku qoray app-ka fariimaha ee Telegram.

Shan carruur ah ayaa kamid ahaa 18 qof oo dhaawacmay, sidda laga soo xigtey Kim, iyada oo aan la sheegin xaaladdooda iyo haddii ay ku jireen dhismaha la deggan yahay.

Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa uga digay Telegram in gantaalada supersonic uu Ruushku ku soo riday jihada gobolka Odesa subaxnimadii Khamiista. Waxayna dadka ugu baaqday inay is-qariyaan.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa cambaareeyay habeenkii labaad ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka iyo gantaallada lagu weeraray Odesa Arbacadii isagoo sheegay in Moscow ay weerareyso adduunka oo dhan, kaliya maahan dadka reer Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ka Codsaday inay ku Biiraan "Heshiiskii Ibraahim" marka uu Dagaalka Iran Dhammaado

Saraakiisha ayaa sheegay in markii Trump uu soo jeediyay in waddamada aan weli aqoonsan Israa’iil ay ku biiraan Heshiiska Ibraahim.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 06:16PM

Mareykanka oo gantaalo ku garaacay Iran iyo Trump oo soo saaray digniin kulul

Weerarkan cusub ayaa yimid xilli uu jiro xabbad-joojin ay dhexdhexaadinayso dowladda Pakistan oo dhaqangashay tan iyo 8-dii April.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 11:34AM