In ka badan 50 qof oo ku dhintay dab qabsadey warshad

Image
Image
Image

DHAKA, Bangladesh - Dab ka kacay warshad soo saarta cuntada ayaa ugu yaraan 50 qof ku dilay Rupganj, oo ah magaalo warshadeed oo 25 km bariga ka xigta caasimadda dalka Bangladesh ee Dhaka.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo ay heshay warbaahinta gudaha, Dabka ayaa ka bilawday dabaqa hoose ee dhismaha oo dhowr dabaq ah oo ka tirsan warshada casiirka.

In ka badan 30 qof ayaa ku dhaawacmey iyaga oo isku dayay in ay badbaadiyaan naftooda kana soo booday dabaqyada sare ee dhismaha, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maxaliga.

Ma cadda inta qof ee ku xaniban gudaha, sida ay saraakiishu sheegeen. Dhinaca kale, ehelka oo careysan ayaa isugu soo baxay waddooyinka, booliiskuna wuxuu tuuray bambooyin dhawaaqa looga jawaabayo.

Booliska iyo goobjoogeyaal kala duwan ayaa daaha ka rogay in dabka uu ka kacay warshada Hashem Cuntada iyo Cabitaanka ee Rupganj abaare 5-ta galabnimo (11:00 GMT) Khamiista.

"Marka dabka la xakameeyo, waxaan ku sameyn doonnaa hawlgal baaritaan iyo badbaadin ah gudaha. Markaas waan xaqiijin karnaa waxyeello intaas ka sii badan, haddii ay jiraan," ayuu yiri afhayeenka adeegga dabka, Debashish Bardhan.

Dabka ayaa caan ka ah gudaha Bangladesh sababo la xiriira dabacsanaanta fulinta xeerarka badbaadada. Bishii Febraayo 2019, 70 qof ayaa dhimatay markii dabka ka kacay dhowr guri gudaha Dhaka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM