India: Xiisad ka dhalatay Xijaab oo loo xiray xarumo waxbarasho

Image
Qadiyadan oo soo jiidatay indhaha caalamka ayaa cadaadiska ku kordhisay madaxda.

NEW DELHI, India - Mid ka mid ah gobolada dalka Hindiya ayaa albaabada isugu dhufatay dugsiyada sare iyo koleejyadda muddo saddex maalmood ah sababo ku aadan xiisad ka dhalatay Xijaabka kaas oo soo jiidatay indhaha caalamka kadib markii haweenayda ku guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Prize Malala Yousafzai ay ka oraah dhiibatay.

Mas'uuliyiinta gobolka Karnataka ee koonfurta Hindiya ayaa go’aankan qaatay kadib markii arday cabasho ay arday a muujiyeen haweenka muslimka ah ku xijaabta fasalka dhexdiisa ay isku badashay rabshado.

Arbacadii, maxkamadda sare ee gobolka, oo dhageysaneysay laba dacwadood oo loo soo gudbiyay qaar ka mid ah haweenka Muslimiinta ah, ayaa ka codsatay guddoomiyaha maxkamadda sare inuu sameeyo fadhi ka weyn kan si looga doodo.

Arrintan ayaa dhacday ka dib markii ay dibadbaxyo ay dhigeen lix dhallinyaro ah oo wax ka baranayay koleej ay dowladdu maamusho oo ku saabsan xirashada xijaabka ay ku fideen koleejyadda kale.

Dhowr arday oo Hinduus ah ayaa markaas soo baxay iyagoo xiran shawlado saffron ah - midabka loo arko astaanta Hinduuga - si ay uga mudaaharaadaan haweenka muslimiinta ah ee xiran xijaabka.

Talaadadii, Malala - oo 15 jir ahayd markii ay ka badbaaday weerar ay Taliban-Pakistan ku soo qaadeen, iyadoo u hadashay xuquuqda gabdhaha inay wax bartaan - waxay ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Hindiya inay sameeyaan wax kasta oo joojinaya "takoorka haweenka Muslimiinta ah".

"In loo diido hablaha xijaaban inay iskuul aadaan waa wax laga naxo," ayay 24-jirtan u dhaqdhaqda haweenka kusoo qorey barteeda Twitter-ka. "Ujeedada dumarku way sii socotaa - xirashada wax ka yar ama ka badan."

Gudaha Hindiya, is-maandhaafka taagan salka ku haya arrimaha Diimaha ayaa sii kordhiyey cabsida iyo carada ay qabaan Muslimiinta laga tirada badan yahay, kuwaas oo sheegay in dastuurka dalkaas uu siinayo xorriyad ay ku xirtaan waxa ay rabaan. Dowladda waxaa lagu dhaleeceeyay in ay aad uga gaabisay dhaqan-gelinta qodobaddaas lama maarmaanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM