India: Xildhibaan ku kaftamay kufsiga oo raaligelin bixiyey

Image
Sharci-dejiyahan ayaa hadalkan buuqa badan dhaliyey wuxuu ka sheegay fadhi baarlamaan.

NEW DELHI, India – Xildhibaan ka tirsan mucaaradka gobolka Karnataka ee koonfurta Hindiya ayaa raaligelin ka bixiyay hadal uu ku sheegay in uu yahay kaftan lana xiriira kursiga kaasoo dad badan ay si weyn ugu dhaleeceeyeen.

"Waxaa jirta odhaah ah marka kufsigu lama huraan yahay, jiifso oo ku raaxayso," ayu KR Ramesh Kumar yiri isagoo ka falcelinaya buuq hareeyay fadhiga golaha.

Vishweshwar Hegde Kageri oo ah afhayeenka baarlamaanka Karnataka iyo tirro mudaneyaal ah ayaa ku maadeystay Kumar kaasoo kal dambe ku qasbanaadey in uu bixiyo cudurdaar ka gadaal markii uu la kulmay waji gabax.

Jimcihii, waxa uu golaha ka sheegay in uu “si qalbi furan” ku raali gelinayo cid kasta oo hadalkaas dhibsatay ama uu dhaawac gaar ah kasoo gaarey dhanka maskaxda.

"Ma damacsanayn in aan aflagaadeeyo haweenka, ama aan hoos u dhigo sharafta golaha, ama aan ku kaftamo. Maan lahayn wax ujeedo ah," Mr Kumar raaciyey.

Dhawaqan buuqa dhaliyey ayaa kasoo yeeray sharci-dejiyaha kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka u uku guuldareystay in uu xakameeyo guud ahaan fadhiga golaha.

Dambiyada jinsiga ka dhanka ah haweenka ayaa sii kordhaya gudaha India tan iyo 2012-kii. Kufsi wadareed ayaa koox dumar ah loogu geystay bas gudaha caasimada Delhi. Dowladda waxaa lagu dhaliilay in aysan si fiican ula tacaalin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM