India: Xildhibaan ku kaftamay kufsiga oo raaligelin bixiyey

Image
Sharci-dejiyahan ayaa hadalkan buuqa badan dhaliyey wuxuu ka sheegay fadhi baarlamaan.

NEW DELHI, India – Xildhibaan ka tirsan mucaaradka gobolka Karnataka ee koonfurta Hindiya ayaa raaligelin ka bixiyay hadal uu ku sheegay in uu yahay kaftan lana xiriira kursiga kaasoo dad badan ay si weyn ugu dhaleeceeyeen.

"Waxaa jirta odhaah ah marka kufsigu lama huraan yahay, jiifso oo ku raaxayso," ayu KR Ramesh Kumar yiri isagoo ka falcelinaya buuq hareeyay fadhiga golaha.

Vishweshwar Hegde Kageri oo ah afhayeenka baarlamaanka Karnataka iyo tirro mudaneyaal ah ayaa ku maadeystay Kumar kaasoo kal dambe ku qasbanaadey in uu bixiyo cudurdaar ka gadaal markii uu la kulmay waji gabax.

Jimcihii, waxa uu golaha ka sheegay in uu “si qalbi furan” ku raali gelinayo cid kasta oo hadalkaas dhibsatay ama uu dhaawac gaar ah kasoo gaarey dhanka maskaxda.

"Ma damacsanayn in aan aflagaadeeyo haweenka, ama aan hoos u dhigo sharafta golaha, ama aan ku kaftamo. Maan lahayn wax ujeedo ah," Mr Kumar raaciyey.

Dhawaqan buuqa dhaliyey ayaa kasoo yeeray sharci-dejiyaha kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka u uku guuldareystay in uu xakameeyo guud ahaan fadhiga golaha.

Dambiyada jinsiga ka dhanka ah haweenka ayaa sii kordhaya gudaha India tan iyo 2012-kii. Kufsi wadareed ayaa koox dumar ah loogu geystay bas gudaha caasimada Delhi. Dowladda waxaa lagu dhaliilay in aysan si fiican ula tacaalin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM