Indonesia: Is-hortaag lagu sameeyay gabar Soomaali ah

Image

INDONESIA - Shirkadda diyaaradaha ee Emirates Airways ayaa sharraxaad ka bixisay sababta haweenay uur leh oo u dhalatay Soomaaliya loogu diiday in ay gasho dalka Indonesia, dibna dalkeeda dib loogu soo celiyay markii loo diiday in ay ka degto garoonka Soekarno-Hatta ee dalkaasi.

Emirates waxay xaqiijisay in 9-kii Janaayo, qof rakaab ah uu ka duulay Dubai kuna socday Jakarta iyada oo saran duulimaadka EK356.

"Maamulka socdaalka Indonesia waa loo diiday in ay dalka gasho sababtoo ah ma ay buuxin shuruudihii gaarka ahaa ee ay waajibiyeen," ayay Emirates ku tiri hadal qoraal ah oo ay soo saartay maanta oo sabti ah.

Gabadha Soomaalida ah magaceeda lagu soo koobay MIA ayaa loo diiday in ay gasho gasho induniisa iyada oo maamulka hay’adda socdaalka dalkaasi sheegeen in aysan buuxin shuruudihii looga baahnaa socdaalka dalkaasi.

" Qofkan rakaabka ah weli ma uusan gelin Indonesia, waana loo diiday” ayuu yiri Romi Yudianto oo u hadlaay waaxd socdaalka dalkaasi.
Socdaalka madaarka Soekarno-Hatta, ayuu sheegay, in ay hubiyeen xogta socdaalka oo ay ula dhaqmeen muwaadiniinta ajnabiga ah si waafaqsan sharciga u yaalla waaxda socdaalka dalkaasi.

Gabadhaan oo la sheegay in ay leedahay uur sagaal bilood ah, ayaan cadayn loo hayn sababtoo ah ma aysan wadan dukumeenti sheegaya in ay uur leedahay. "Waxaa jira shuruuc khuseeya rakaabka diyaarada ee uurka leh” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Gabadhaan Soomaaliyeed ayaa tagtay garoonka Soekarno-Hatta Talaadadii 11-kii Janaayo 2022 iyadoo raacday diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates Airways.

Waxaana laga xannibay in ay galo Indoniisiya dhibaatooyin la xiriira socdaalka. Khamiistii 13-kii Jannaayo ayaa mar kale lagu soo celiyay dalkeeda hooyo iyada oo soo raacday diyaarad ay leedahay Emirates Airways.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM