Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Image

Britain ayaa Talaadadii joojisay wadahadalladii heshiiska ganacsiga xorta ah ee Israel, waxayna u yeertay safiirka Israel, iyadoo sidoo kale ku dhawaaqday cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah deegaannada Yuhuudda xoogga ku haystaan ee Daanta Galbeed.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer uu sheegay inuu ka argagaxay dagaalka sii kordhaya ee Gaza, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo xayiraadda gargaarka bani’aadamnimo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda David Lammy ayaa cambaareeyay xayiraadda ay Israel saartay gargaarka iyo waxa uu ugu yeeray "xagjirnimo" ka dhex jirta dowladda Israel. Waxa uu ku dhawaaqay in Britain aysan sii wadi karin heshiisyo ganacsi iyadoo ay xaaladdu sidan tahay.

“Waa arrin ka hor imaanaysa qiyamka shacabka Britain. Sidaas darteed, waxaan maanta joojinay wadahadalladii heshiiska ganacsiga xorta ah,” ayuu yiri Lammy.

Britain, Faransiiska, iyo Kanada ayaa si wadajir ah u cambaareeyay weerarrada cusub ee Israel ku qaaday Gaza, waxayna ku hanjabeen inay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah haddii weerarradu aysan istaagin.

Ra’iisul Wasaare Starmer ayaa sidoo kale baarlamaanka ka sheegay: “Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqeenna xabbad-joojin buuxda si loo badbaadiyo la haysteyaasha, loona kordhiyo gargaarka bani’aadamnimo.”

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM