Iran iyo Sacuudiga oo yeeshay kulan Iraq martigelisay

Image

BAQDAAD - Dalalka sida weyn isku haya ee Iran iyo Saudi Arabia ayaa magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq dib uga bilaabay wadahadallo la hakiyay bishii March, sida ay Sabtida maanta faafisay wakaaladda wararka Iran ee Nour News.

Dhinaca Sacuudiga iyo Ciraaq ayaan wali xaqiijin in ay wadahadalladu dib u bilowdeen.

Wakaaladda wararka ee Nour News oo hoos-tagta Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee dalkaasi ayaa warisay in kulamadii ugu danbeeyay ay muujinayaan rajjo wanaagsan oo ah in labada dal ay qaadaan tallaabooyin ay ku soo celinayaan xiriirkoodii. Wakaaladda ayaan sheegin halka uu ka qabsoomay wadahadalkan oo ah wareeggii shanaad.

Riyadh ayaa 2016-kii jartay xiriirkii ay la laheyd Tehran ka dib markii bannaanbaxayaal reer Iran ah ay gudaha u galeen safaaradda Sacuudiga ee caasimadda dalkaasi, waxayna taasi daba socotay xukun dil ah oo uu Sacuudigu ku fuliyay wadaad Shiico ah.

Iran ayaa hakisay wadadahadalkan oo lagu waday in uu qabsoomo bishii March mana aysan bixin wax sabab ah oo ku kallifay in ay qaadato go’aankan oo ay gaartay waqtigii ay ahayd in uu wareegga cusub bilowdo.

Tallaabadaasi ayaana ku soo aaday iyadoo Sacuudigu uu xukun dil ah ku fuliyay 81 qof, tiradii ugu badneyd ee halmar dil lagu fuliyo.

Tehran ayaa canbaareysay dilkaasi oo ay dadka xuquuqda u doodaahi sheegeen in 41 ka mid ah dadka la dilay ay Shiico ahaayeen.

Sacuudiga iyo Iran oo si weyn ugu loollama gobolka, ayaa wadahadalkan ay sanadkii hore bilaabeen ku doonaya in ay xiisadda ku qaboojiyaan.

Saudi Arabia iyo Iran ayaa kala taageera kooxaha isaga soo horjeeda dagaallada gobolka iyo kuwa siyaasadda isku haya ee dalalka Syria, Lebanon, iyo Ciraaq, iyadoo Sacuudigu uu hoggaamiyo isbahaysi tan iyo 2015-kii dagaal ka wada Yemen kaasi oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta ah ee taageerada ka hesha Iran.

REUTERS

Related Articles

Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:58AM

PKK oo shaacisay inay hubka dhigayso si usoo afjarto dagaalka dowladda Turkiga

Warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka Firat News Agency — oo ah ilo warbaahineed si weyn ugu dhow PKK.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:16AM