Iran: Madaxweynaha la doortey oo la hadlay eedo loo haysto

Image

TEHRAN, Iran - Madaxweynaha la doortay ee Iran, Ebrahim Raisi, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiriirka uu la leeyahay dil wadareedkii lagu fuliyey maxaabiista siyaasadeed sanadkii 1988-dii markaas oo uu ahaa ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Tehran.

Kooxaha xuquuqda ayaa ku adkeysanaya in wax yar ka dib dhamaadka dagaalkii 8-da sano socdey ee Iiraan iyo Ciraaq uu Raisi wuxuu ka mid ahaa xubnaha guddi loogu yeero “guddiga dhimashada” oo amar ku bixiyay in la waayo lana dilo kumanaan maxaabiis ah.

Dadka ugu badan ee la dilay ayaa lagu waramay inay xubin ka ahaayeen Mujaheddin-e-Khalq (MEK), oo ah urur u ololeynayey isbadal maamul oo hada saldhigiisu yahay Yurub, kaas oo xilligaas horseed ka ahaa weerar militari oo lagu qaado dhulka Iran inkasta oo ay jirto xabad joojin ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobay..

Isaga oo ka jawaabaya su'aal kaga timid wariyaha Aljazeera ee Assed Baig oo ka qeybgalay shir jaraa’id oo uu qabtay Isniinta maanta ah, Raisi si toos ah uma uusan xaqiijin ama u beenin eedeymahaas.

"Wax kasta oo aan qabtay mudadii aan xafiiska joogay waxay ahaayeen kuwa aan difaacayo xuquuqda aadanaha," ayuu yiri caalimka muslimka ah ee mayalka adag taas oo la macno in uusan si toos ah u wajahin su'aasha.

Raisi ayaa wuxuu intaa ku daray in uu la macaamilay "kuwa carqaladeeyay xuquuqda dadka kuna hawlanaa Daeshi iyo dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah amniga" isagoo ula jeeday kooxda hubeysan ee ISIL (ISIS).

"Haddii khabiir sharci, garsoore ama dacwad ooge uu difaacay xuquuqda dadka iyo amniga bulshada, waa in lagu ammaano laguna dhiirrigeliyo inuu ka ilaaliyo amniga dadka weerarada iyo khataraha maleegayay," ayuu tibaaxay.

Amnesty International ayaa horraantii toddobaadkan waxay cusbooneysiisay baaqeeda ah in Raisi la soo taago maxkamad “dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”.

Raisi waa madaxweynihii uhoreeyay ee reer Iran ee cunaqabateyn luu saaro Mareykanka taasoo 2019 loogu soo rogay doorkiisa fulinta, xakamaynta mudaaharaadka shacabka, iyo amarka in la daldalo shaqsiyaad aan qaan gaarin waqtigaas oo ay dambiyo galeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM