Iran maraakiibta dalalka aan "cadowga" ahayn u furtay Hormuz

Image

TEHRAN - Wakiilka joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in maraakiibta “aan colaadda wax ka wadin” ay isticmaali karaan marinka Hormuz, haddii aysan ku lug lahayn falal “gardarro” ah oo ka dhan ah Tehran.

“Maraakiibta aan colaadda wax ka wadin, oo ay ku jiraan kuwa ay leeyihiin ama la xiriira dalal kale, ayaa ka faa’iideysan kara maritaan ammaan ah oo ay uga gudbaan marinka Hormuz, haddii aysan ka qeyb qaadan ama taageerin falal gardarro ah oo ka dhan ah Iiraan isla markaana ay si buuxda u raacaan xeerarka badbaadada iyo amniga ee la shaaciyay, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha Iiraan ee awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta X.

Bayaankan ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha Bariga Dhexe tan iyo markii Maraykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen duullaan wadajir ah oo ka dhan ah Iiraan 28-kii Febraayo, taas oo ilaa hadda lagu dilay in ka badan 1,340 oo qof, oo uu ku jiro hoggaamiyihii sare ee xilligaas Ayatollah Cali Khamenei.

Iiraan ayaa kaga jawaabtay weerarro isdaba joog ah oo drones iyo gantaallo ah oo ay ku beegsatay Israa’iil iyo dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada milatari ee Maraykanka.

Marinka Hormuz ayaa sidoo kale si wax ku ool ah loo xaddiday tan iyo horraantii Maarso. Qiyaastii 20 milyan oo fuusto oo shidaal ah ayaa sida caadiga ah maalin kasta mari jirtey, waxaana carqaladeyntiisu kordhisay kharashaadka maraakiibta isla markaana sare u qaaday qiimaha shidaalka caalamka.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM